GAHAYR/TARABBI/USTRALIYA
 |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Ciddi-Jiid
Is beddel
Cirkaad haaban









 
 
 
Ustarali /Gahayr/Tarabbi

Tixahan aan wada dhammayn waxay ka mid ahaayeen gabayo dhawr ah oo ay is dhaafsadeen abwaanadii waaweynaa ee Cabdi Gahayr iyo Xasan Tarabbi oo Ciidagale ahaa iyo Cumar Australia oo Sacad Muuse u dhashay. Waxa bilaabay gabayadan silsiladda ah Cabdi Gahayr oo hunguri ka galay geel ay leeyihiin beel Sacad Muusa ah oo Hadhiye Cismaana oo  ka soo xagaa baxay xeebta  soona dagay banka Qool-Caday. wuxuu ku yidhi Cabdi Gahayr :
  Sidii aar hilbii laga kacshay oon weli hamuun goynin
Waayadan higgaa igu go,doo waan hamaansadaye
Haab haabashaan ahay waxaaan heli se mooyaane

Geelaa hudheelluhu watee Hadhiye maalaayo
Hawl laawahaasaan arkaye ma hunguroodeene
Iyadoo hirkaa iyo hirkaa halab ka reemaysa

Iyadoo haleeliyo hor weyn wada hillaacaysa
Hayb yeelataba xerada waan ku hubsan dooneeye
Habar.yoonis iyo ciidagale labada haamoodba
Halkanay ka dhawdee tolkay wey hagranayaane


Waxa gabaygaas oo dhammayn ka jawaabay Cumar Xuseen oo marshay tix aan ka hayno;

Geelaa horaadada fidshay ee hadhiye maalaayo
Habaryoonis iyo ciidagale labada haamoodba
Halyeeygii ducaaliyo xirsaa ugu hanweynaaye

Hadhgalaybaa laga diray heeshigaa dhalaye
Abidkiinba kuma hiil baxdaan halaca maadhiine
Huwanbaan ogaa oo dagaal kuma hagaagtaane

Hawhawda iyo faanku waa himiladiiniiye
Anna hawlle iigama duwana hurinta Daa'uude
Hitlarbaad ismoodaan markaad halaha maashaane

Abtiyaal wax aydaan helayn ha isku hiifina'e
Halba aniga oo nin u dilay oo habelna dheeraaday
Waydinkoo habeenkoo madow danood soo hitiqiseene.


Wakhtiga uu gabaygan tirinayey Cabdi waxay ahayd wakhti aad u xun oo la gumeeyey dadka soomaaliyeed meelkasta ha joogeene. Ingiriisku wuu ka qaaday dadka hubkuu noockastaba. Xasan_tarabi oo isagu dareensanaa ayaa Cabdi gabay canaan ah uugu jawaabay. Gabaygan waxan ka qoray oday 80 jir ah oo ma dhibaan ah oo la kulmay Cabdigahar,waxaanu ii sheegay inuu gabaygani kala dhiman yahay. Waxa laga sheegay Cabdigahar inuu yidhi waxan ku quustay tix gabayga Xasan Tarabi ka mida oo odhanaysa:

"Heeraaga aar ihi hadduu hilib u gaajoodo
Muska ku hakan maayee hadday ooddu hanan weydo
Hal uu dilay hangool lagu dhuftuu kaga hagaagaaye"


Waakan gabaygii Xasan Tarabi:

Cabdiyow waxaad heli kartaa la hungureeyaaye
Adigoon waxbaba haybsan baad hurisay duulaane
Hanti kaa yaraataad is tidhi buuxso haamaha'e

Talose waxay hagaagtaa markii la hojiyaa wiige
Kol haddii horruun loo dhufsado waa hogaan go'aye
Nimaan u hubsani haadaan ka duul oo hubanti weeyaane

Hadimaa tolkaa kugu qabaa taadu waa hadure
Heeraha libaaxuba hadduu hilib u gaajoodo
Isagoo hamuun qaba hadduu hamaga neef saaro

Muska ku hakan maayee hadday oodu hanan weydo
Haluu dilay hangool lagu dhuftuu kaga hagaaye
Cirkaadse haabanaysaa adoon hadal la gaadhayne

Hooniyo Tiriibali ragii haystay lagu maagye
Masuuraati waa loo hadhgalay hiil u dirirkiiye
Hareeraha dabaa lagaga shiday hilinkii faarsaade

Halyaygii uu dhalay keenadiid hobayo loo diidye
Hadhka dirirta niman heeri jiray kuma hanqaadhmaane
Hogaan baaba lala gaadayaa habar majeerteene
Waataa maroodigu habsaday hiladii yaaquube
Aduunbaa hamoodaye dadkii hilin la qaadsiiye

Waakaa dhulbahantihii hadhgalay hooskii cadanweyne
Hoosiis kolkii laga dhacay bay wada hilaabteene
Nimankii fardaha hayn jiriyo hagarna waa caydhe
Hal laguma oga reer wacays hodan qabeenkiiye
Aduunbaa hamoodaye dadkii hilin la qaadsiiye

Hawiyiyo axmaarbaa isku dilay haradii dooloode
Kayntii hareeriga badanayd lagu heshiinwaaye
Haadkaasi wuxuu boobayaa hilibkii gaalaade
Aduunbaa hamoodaye dadkii hilin la qaadsiiye

Wadaadkii hagoognaa qab waa lala halaabaaye
Ba xawaadle hoobaan wardheer ugama heesaane
Huwan dhimatay reer dalalna way uga horeeyeene
Hirguduudan haaruun beryahan kama hiryewstaane

Hayinkii la dhaanshiyo kolkii haantii laga qaaday
Hidin waaye reer cali inay dirir u haabtaane
Wuunay habaareen sidii habar agoomeede

Abaskuul hadiyo beerihii kama hayaanteene
Wax la yidhi hadhuudhkii bartire heliba maysaane
Okholaha kuwii hayn jiriyo geri habaasawe
Aduunbaa hamoodee dadkii hilin laqaadsiiye

Awal toban gubaa la hayayuu halakadaysnaaye
Reer nuux wuxuu haysan jiray helina soo waaye
Ka hagaafe daarii hindigee maalku hoos yiile
Hoobaanta saadadii lahayd hebelo loo diiye
Habar yoonis iyo ciidangale laguma hawshoone

Hubka tiirsha uun baa la yidhi Herer ragii yiile
Dayuuradahan hawd meerayaan ku habranayaaye
Haleeladan irmaan reer mataan kama hugoobeene
Hama dheeridaa meel kalaa la hindisaayaaye


 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com