|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
Ciddi-Jiid
Is beddel
Cirkaad haaban
 

Xasan Tarabbi (Ciidagale)
IS BEDDEL
Gabaygan waxaa tiriyey xasan muxumed shaywaal (xasan tarabi) isagoo ka calaacalaaya gaaladii gumaysta ahayd ee reer ingiriis markay yimaadeen somaliland siday dadkii u sintay waxaanu yidhi:.

 
Ma bayidin beryaha maansadaan buuni ku ahaaye
Berrigaan ka doortaye haddii aan baxarka weyn quuso
Waa baraha roobkoo kale iyo belel rasaaseede

Biiftaan sideedii ayey arliga badan u nuurtaaye
Caawana bullaan ima hayo ee waxay basiireeyey
Bahdii iyo waxaa igala tegay biligi laysaaray

Waxaan bawdka uga meerayaa een buuro uga caagay
Badhankiyo hindiga boodayiyo baashahaa yimiye
Haddii aanu badraan kani fadhiyin baar cadahan dhaartay

Berkedahan ka qodan ceelka herer baanbadahan jiifa
Nin baryiyo nin baylah u cabiyo beri gu' mooyaane
Biryartu xoolo kuma soo horteen bacadka jiilaale

Boocuu i kala goonayaa ma'aan badbaadsheene
Birmadbuu xakame nooga dhigay biraan ka liicayne
Buruud gooniyuu nagu qabsaday waanu noo bu'iye

Baxsanow suldaankii tashiga lagala soo baydhye
Baanjaadka nimaan aabihii baranin loo dhiibye
Hablii boqolka laga qaadi jiray beec u dhici waaye

Badhad aan ninaba guursan jirin boobto loo noqoye
Boqon hiiga iyo aadanaw booshku na haweeye
Waayadanba beeshanu halaye ugama baaqayne

Laaskii anaga noo baxnaa biig gunaa degaye
Baabuurka caymada sidii lay bidhaan eriye
Bisinkiyo quraankaa ku yaal baalka xaashida'e

Bisadiyo maroodiguna way beratamaayaane
Barbaray noqdeen dacawadii baabulaha aare
Waxba yaanan baanaha wadwadin badiyay daadowe
Boogaha qarsada waa adduun lays bedelayaaye
 

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com