QORAAL

Waa Duni
Wadaadyohow
Ammaan Geel
Ismiidh
Tooyad
Hagoogane
Qasaal-Gamuute
 
 
 
 

 

  Maxamed Cabdulle Cali "Gammuute" (1880-1940), "HJ"

Gammute Gabyaaga la baxay oo ay Salaan Carrabey isku casri ahaayeen wuxu muddo badan ku noolaa carro Ogaadeen.Waa horraantii qarnigii tegey waxana carrada Ciid iyo Hawd ka aloosnayd colaad inta badan u dhaxaysey isaaq iyo Daaroodka dhulkaas wada dega. Waxa caado ahayd in laysu cudud sheegto nimbana kan u ka itaal iyo awood roon yahay maalkiisa meersado.
Gabaydh La odha jirey Dahabo Aw Nuur oo Ogaadeen ahayd una Doonnanayd nin Habar yoonis ah ayaa waxa guursaday nin Ogaadeen ah. Gammuute oo malaha dhiig qaaday ayaa beelihii Ogaadeen ee uu ku dhex noola ee gabaydha dhacay ku boorriyey inay gabadha celiyaan oo aysan xeerka iyo dhaqanka ku tuman. Shiikh iyo shariif, waayeel iyo wax-garad midna waa ku kari waayey inay arrinkaas foosha xun ay falaan oo weliba ay Gabadhooda ka qaadaan Seeddigood. Markii dheg-jalaq loo siin waayey ayuu Gammuute ka googoostay Carro Ogaadeen oo u soo gurya noqday Dhulka Habar Jeclo.

Gamuute markuu gurya yimi ayaa waxa u yimi nin Ogaadeen ah oo sheekh ah oo reeraha la yiil.
Wadaadku wuxu damcay inuu Gammuute ka waraysto Ogaadeen iyo ooshii uu ka soo boqoolay. Gamuute oo godob ka tirsanaya Ogaadeen waxa uu ku sigtay inuu wadaadkii seefta mariyo. Ilaah mahadi ha ka gaadhee Gammuute waa is qabtay oo waa la noqon weydey inuu nin Wadaad ah oo magan ah uu magliga u rabiyo. Wadaadkii ma diline Intuu sooryeeyey ayuu u mariyey gabaygan uu ugaga warramayo wadaadka xaaladda tolkiis (ogaadeen) ku sugnaayeen markii ugu war danbeysey. Gebagebada gabayga wuxu Gammute wadaadka leeyahay raashinka markaad cunto iga hor dhaqaaq intaanan ku galaafan.

Wadaadyohow dawaafkii haddaad war iga doonayso
Dibnahayga inaan kuu furaa dawba ma ahayne
Waxsaan haatan ugu daalayaa wayska kaa diri'e

Rag hadduu Dareertada sariyo duunka ka colloobo
Daan-daansi iyo looga roon dira-diraalaynne
Waa inuu intuu kor isu dayo kala dareeraaye

Dalka waadan joogine tolkaa waa dagaallamaye
Malaa adiga dabadaa rag badanbuu dugaag cunaye
Daarooto iyo layska kici ceelki Doqon-kaale

Haweenkii duddada meerayiyo dugeydi yeedheysey
Raggii dalaga beeraha tabcaday dumi Bakaartiiye
Dacwadii Rafliyo nooga timi Daahir iyo Xaashi
Digniintii is daba joogtey iyo weedhi demi weydey
Inay reer Subeer kol isku deyi igama daahnayne

Dayax-weerar iyo baan ka biqi diillintii hore'e
Jeeruu dagaal xumi dhaco ay qolo ku daaduunto
Danbaa tidhiye Reer Aadan-Gawl diidyey nabadiiye

Cawlyahan degtaasuu maroo webi u deyn qaadye
Derrintii Siddeetaale iyo Doollin ku hayaanye
Dabkana waxa u sidey reer Afgaab dil iyo laystaane
Dayrtii dhaweyd waxa ka lumay dannabbo waaweyne
Kollna dirire dooyana hadday debedda joogtaaye

Cabdallena ka daba guur intay Duhur boqooleene
Darwiish iyo Marreexaanna waa durugsanaayeene
Ugaas Kooshinkii Doy u kacay dib isu soo laabye
Dooxii Malayko ayay sidii Digirin jiifeene

Meesha iyo DawDaw Bah-Geri soo dabayshada'e
Dusha Caga-Maroodi baa lo'dii ugu dareertaaye
Doobtaa wax laga buuxiyaa daalisoo dhalaye
Niman Daabixiina oo u kacay duulka reer Xamara
Digtii Mooyihiyo waa qabeen dararti Baylaade

Wax Ammaadin dawriir ku furay duuddi Yabaloode
Dugsigii Abool iyo Burqay damacsanaayeeene
Reer Cali waxaa laga dayaa daaqi Xananleeye

Dusha Mohollin meeshiyo Dannod degelladii Dhiito
Dooxi Maraadhii-Gobliyo Daraydi Laasdhuurre
Himir dacalladeeduu fadhiyey dalable Haaruune

Daratoole iyo Faafan buu degey Ibraahiine
Habar-Calina Doollay fadhidey Doh yo Ceelgaabe
Sidaas buu dadkiinnii ahaa mooyi dabaday'e

Bishii Dago dabaadigi hadhaan soo dabayshadaye
Annaga Dayrta tay nagu faleen Doyna laga sheegye
Daarood Ismaaciilba maqal danafas-koodiiye

Iyagaan dakano weynna qabin deynna lagu toosin
Caynaanshihii naga durkay ee dooxatada raacay
Nimankii dunjiga reer Isaaq dayro ka ahaaday
Reer Dalal diraacdaba ka qaad Dahabo Aw Nuure

Damaashaadka reerii ka dhacay daramalkii yeedhay
Durbaankii ka baxay baadan maqal duudda Aw Belele
Degmo haddii la dhaco Sheekhyada meel dawayn jiraye

Eeggana danbow kama baqaan duub-caddii Bogoxe
Dadkana lama hafree Awgayoow waxaw daliiilkiiya
Iyadaan ninkii doonay iyo duubki dhalay joogin

Dulmi bay ku mehersheen intoo daaha loo rogaye
Anna waa dumaashiday middaa loo dabbaaldegaye
Waxba yaan is diidsiinne waa daabac igu yaalle
Mid i dila mid igu diirsada iyo midan i doonaynin
Raggaan maanta Daharre ugu tegey dawlad ma ahayne

Dermo iyo Barkimo lays dul dhigay daacad haw filine
Doobtaha karuurka ah dhanoo haygu soo deyine
Dugsigaaga jiifsoo markaad diilalyada reebto

Ee waagu daalaco haddii an debedda kaa fiirsho
Doofaarradii Reer Xirsiyo duulki BaXawaadle
Wallee inad dakanadood u dhiman waysu dilantaane
 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.