Meel aannu naal ina Cariish laguma maageene
Maganee siday Habar Jeclada uga madoobaatay
Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir..

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Wadaadyohow
Ammaan Geel
Hagoogane
Waa Duni
Qasaal-Gamuute



 
Xuseen Qasaal & Gammuute
Xuseen Qasaal ayay kaftan wadaag ahaayeen Maxamed Cabdulle Cali "Gamuute" oo ka mid ahaa abwaannadeenna waaweyn. Xuseen Qasaal murtidiisii waxa ka dhaxlay willkiisii Keyse Xuseen Qasaal oo isna gabyaa ahaa.
Waxa la sheegaa in Ina Cariish iyo Ina Dubbad laba nin oo la yidhaahdo lagu eedeeyey inay kufsadeen hablo Jaamac Siyaad ah ka dibna la xidhay. Labada nin oo kala jilib ahaa ayaa midkood la soo furtay kii kalena inta raggii lagala dhex baxay ayaa jailka loo taxaabay markaasaa Xuseen Qasaal gabyay oo yidhi;

Iyaduu malqaxan yahay uumiyuhu maalintii Garabcad
Oo maalku naga daadsan yahay moodka iyo noolba
Waataa musaanado dhigteen muguc galkiisiiye ..Muguc=Balli

Mugdi dhexe haddii qayladii nalagu soo miisay
Mannadaanu dhigannaan lahayn haydin mariyeene
Malyuun iyo Malyuun iyadooy sidato maadhiinka

Oo Sida Maraykaan hindiya march u soconaysa
Malkadaydun joogteen iyaduu rag idin maageertay
Oo maarra weyntii rasaas idinku miisayso

Meel aannu naal ina Cariish laguma maageene
Maganee siday Habar Jeclada uga madoobaatay
Wax dhaaxaydun muranteen markaan sheegay maatidae
Nimankii Maroodiga ahaa mudanki reer Daahir

Waxa laga maroorsaday raggaan laga mildhaawayne
Hadday dirir u soo magan galaan laguma maageene
Reer Raagihii miigganaa lama muquunsheene
Inaan hooyadii meel ka dhalan maanta la ogaaye

....

Gabaygan kooban  wuxu ka mid yahay jawaabihii Gammuute u tiriyey balse uma muuqdo jawaabta gabayga aan kor ku soo xusnay: Fadlan soo dhammee gabayada

Hablahooda waw daran yihiin Hagarba shaalleeye
Sida inan habreerkeed la diley way hiq leedahaye
Hoyga Ina Dhinbiil lagu ridaan la hammiyaayaaye
Habeen iyo dharaar baa ilmadu hililiqlaysaaye
Maxaa gabadhu waa habaryartaye habaca loo siiyey
Midgaan hooto dhaadhiya...
..................

 
   
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com