Gammuute

   |   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Wadaadyohow
Ammaan Geel
Hagoogane
Waa Duni
Qasaal-Gamuute
 










 
 
 
Geela

Gammuute, (HJ)


Guutada Hagoogane la baxday ee xoolihii Daraawiish dhaqatay ku galay agagaarka Qorraxay ayaa waxaa ku lammaanaa 12 gabay-yahan oo uu ka mid ahaa Gammuute. Abbaanduulaheedu wuxu ahaa Xaaji Waraabe. habeenkii la dul fadhiyey xoolahaa ayuu yidhi Xaaji Waraabe Raggii gabyi jiroow gabay caawaa idiinku danbaysa ee nin walboow wax dheh oo hadalkaaga summad ku dhig. Gamuute oo guutada ka mid ahaa ayaa tirshey geeraarkan soo socda.
(Geeraarku ma dhamma)
  Ilaahii i abuurayee
Illaliinka ahaa iyo
Udgoonoow Nebigii (SCW)
arrinkaan la tiraabo
Aqbalkiisa i sii
Eeraaney ku kaxaynay
Asluubey ku xabbaadhnay
Arbow Xaaji Waraabe
haddaan geela Awaadho
Haddaan Oohow idhaahdo
Illintuu ka gelaayo
Haddaan Oodda ka jiido
Haddii Eebbe ku siiyo
Markaas aad aragtaan
Hashaan geela ka aawo
In lay (iiri) doono
Axdigeeda i sii

Ugub weeye guduudanoo
Aydhin weeye maqaarloo
Ayaamii Toddobkiibay
Awr madow ka qaleenoo
Afarteeda Iboodna
Sidii Laas la af gooyey
uun dhabay harqisaa.


Markii la libeystey ee Daraawiish wixii xoolo u hadhsanaa la taabay ayaa Xaaji Waraabe Gamuute ku yidhi Hashii waa geeliiye kala soo bax. Hashii baa Gammute kaga darantay qolo kale oo hore loo waayey badnaanta geela awgeed.
Gammute ayaa rag lagu daray si ay hashii uga baadi goobaan mahiigaanka ciidankaa midigtooda soo galay.
Wuxu yidhi Gammuute Alla ha u naxariisstee;

Gaanniga Waraabe iyo hashaan guuriska u soocnay
Raggii wada gammuurraa hashuu golongolee dhuubtay
Gaadiidka xoogga leh hashii garabku iimoobey

Gurguurtaaga awrka ah hashii (Galawga) loo taabtay
Gahaydhkii Dannood iyo hashaan gudurigaw ruugey
Gaaliyo hashaan ula col baxay gaasamo is raacay

Wixii gacal cid ii xigey hashaan goonni uga duuley
Nin xigaaladii gaanji tahay geel ma saanyado'e
Solamadow hashaan ula gedbaxay Gulufki reer Daahir

Guutada faraa badan hashii goob isugu keentay
Galaayuuska subaxdii hashuu Galawgu dhiillaabay
Feedhaha hashaan uga guntaday gocor ma yeeleene

Gurraati iyo haddaan Hara-Digeed Gocay horuu dhaafshey
Geyigiiba waxa iiga hadhay galab carrawtiine
Anigoo gacmaa laabtayoo gibil madow yeeshay

Mar haddii raggaa ila ged ihi geeyo halihiisa
Gadhcaddihii adoogay ahaa way garnaqayaaye
Markaan gurigi geeyana Libaax geesta haw rido e
Guullow Allahayoow hashaa galabta hay seejin.


 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com