Q O R A A L

Taariikh Kooban

Shuhuboobe

Daarood suu beri .

Aabboow

 

 

 

 

 

 

 

Cismaan Aadan dibi (1895 - 1980)

HJ - Reer Yuusuf  

Somali Poetry


Gabaygan inta kooban aan ka hayno wuxu abwaanku tirshey waaguu guurdoonka ahaa. Intuu gabadh soo arkooday ayaa yarad badan lagu xidhay aabihiis ayuuna ugu cabanayaa gabayga si uu culayska yaradka uga kor qaado oo weliba hal caan ahayd oo Maahir oo aabbihiis lahaa baa la yidhi yaradka yay ka maqnaan.



Aabboow mid keliyaan ka dhigan maranti naagoode
Aabboow malaa waanad arag midab haldhaaleye
Aabboow mankii Faarax iyo madaxdi weeyaane.
Aabboow ma meermeeri karo mayaynasoo hoorye
Maatada inaan soo dhexgalo, waan ka maagsadaye
Aabboow Midgaankuna sidaa igaga miisroone
Aabboow qabiiliga madhwayn haygu madiyeyne
Aabboow marbaa igu hadhoo mooshinkii ridaye.
Aabboow inlay meheriyaan maanka kuhayaaye.
Aabboow haddaan laga manciyin maahirray dhaliye
Aabboow rag manidiisu waw madhax samaataaye.
Aabboow ma meel maro haddaanad ii muraadqumine
Aabboow hashii Maahir baa magacu saarraaye
Aabboow muftiga hayga qadin kuu martaan ahaye.

 

Markuu gabdhii helay ee guursadayna waa kii lahaa;

Haddaan anigu Daarood gudbane guudka uga meeray
Gungunnaafka soo hadha ninkii geya ha siiyeene.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com