Q O R A A L

 

Taariikh Kooban

Shuhuboobe

Daarood suu beri .

Aabboow

 

 

 

 

 

 

 

Cismaan Aadan dibi (1895 - 1980)
Habar Jeclo > Reer Daahir> Reer Yuusuf

Somali Poetry



Abaarta Baaha la baxday ayaa horraantii qarnigii 20aad ku dhufatay geyiga Habar Jeclo degto. Iyadoo uu Cismaan Aadan tuulada Beer joogo ooshana diiftii abaartu ka muuqato ayaa waxa meesha soo maray Cali Dhuux nin la odhan jirey gabyina jirey oo Burco u socda. Cismaan Aadan  gabaygan inta yari naga soo gaadhay oo geyiga Soomaaliyeed caan ka noqdeen erayada ku jira ee "Daarood suu beri ahaa loo dad-qalatowye".

Dirirkii gugii iyo arligan, dayrta laga waayey
Ee ay daruur soo kacdaa, dibiq ku siin weydey
Ee laba diraacood abaar, laysku daayimiyey

Ee deyrka xoolaha nin gelin, diiq ku yahay caawa
Ee debedda adhi looga baxay, duunyo noqon waaye
Dariiqada Axmadiyaan cuskaday derejadeediiye
Daayimkii Ilaahay ahaa doogsin haw furo'e

Degdeg ugama faaruqo ninkii, daaniyaa hadale
Dibnahaba ha kala qaadin baa, iiga debecrone
Dalaamista bani-aadmigii, daynse kariwaaye
Aan dig siiyo gabay waanigii, daabax ku ahaaye.

Aqalada dixdaa laga dhisaad, dabato moodayso
Danbaa meesha keentay xarrago, looma soo degine
Nafta dooji mooyee xarago, laga dawaareeye
Kefedaa dalooliyo mindaa, daabka la hayaaye
Waataa halkii laga deldeley, loo dabaaldegaye
Nin dilaal u baxay bay xishood, kala dawaafeene
Wax arsaaqad laga doonayaa, daasad gudaheede
Daarood siduu beri ahaa, loo dad-qalalowye.

Nabsi waxaanan ugu Daalahayn doobir xumidiisa
Darandoorigii iyo lawaa doobi caano ahe.
Docda Raydab iyo Tuurmidgaan daaye Reer Colow'e
Idihii dareemada ahaa kuma dareershaane
Cabdi Sugulle wuxu daajin jirey doori bay hadhaye
Ducaale iyo Maygaagba waa dulugle caydheede
Doobiga ma qaadaan intay dabar-danbeedaane

Dugsi caydha bay yuururaan diricyadoodiiye
Darka waxay uwada laaban yihiin daacad baw timiye
Mataanii biyaha diiranaa laysu dari waaye

Ninkaan dacalka lacagtawgu sidin kama daweeyaane.
Daariyo ninkii noodh lahaa,duubcas baw xidhane
Duug malaha tooduye cirkoo da'ase weeyaane.

Nin waliba wuxuu doonayuu, kaga dacfaashaaye
Damaan baa u kacay qaalinkii, daabgubka lahaaye
Da’dii hore ratiga nuugayaa, deeqay reer idile

Deeblaha la rarayee biyaha, laga duduucaayo
Isagaa dadkeenna uga dhigan, doonni reer bariye
Waa dahabka soomaaliyeed, doqonse waa mooge

Dayac aniga laygama sugiyo, inaan dabreeyaaye
Intaan marada lama daadiyo’e, duubiyada joojey
Dalandoolka guban aan u tegey, daale cagihiiye
Cidna uma diree Beerna waa, uga durduuraaye

Dabkeedaan kulaalaa sidii, dhoobi dacay weyne
Dacaska iyo hawshaan ku qabo, waw duleeyahaye
Dunjigiisba reer maadhka kale, damac lahaan waaye
Wax dardaarankii igaga go’ay, deex ha la ogaado.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com