Q O R A A L

 

Taariikh Kooban

Shuhuboobe

Daarood suu beri .

Aabboow

 

 

 

 

 

 

 

Cismaan Aadan dibi (1895 - 1980)

HJ - Reer Yuusuf  

Somali Poetry

Nin Cali Dhuux la odhan jirey ayaa waa ka gabyey col Ogaadeen (Bah Geri) ah oo ay jebiyeen. Cali wuxu gabayga ku duray HJ isagoo leh haddaa qolyahaa naga shisheeya weerari lahaydeen si dhib yar baad xoolaha uga qaadi lahaydeen. Gabaygaas waxa erayadiisa gabaygan khusaysa ka mid ahaa;

Cayuun shacabka wiilkii lahaa shaah ka karinaayo
Waayeelna xeeb uga shir tegey maleh sShirshooruuye
Sharba idinma daareen haddaa shalay na dhaaftaane
Dar aan idin shiddeeyeenba waa naga shisheeyene

Iyadoo aan Cismaan Aadan ka jawaabin gabaygaas ayaa muddo dhawr iyo toban sano ah ka dib waxa dhulbahante galay Biciidyan oo waxay xoolo lahaayeen dareersaday. Dhulbahante waa ka baqay inay geelaas laga mooraduugay ay dhacsadaan halkaas ayaa Cismaan Aadan Dibi gabay ka bilaabay isagoo wixii dhacay warbixin ahaan u siinaya Salaan Carrabey (1850 - 1943)

Shibtaydaan galaa gabay haddaan, shuqulki oognayne
Marse haday shanqadho ii baxaan, shuumis ma aqaane
Shilka dhacay Salaanoow miyaan, weli lagu sheegin
Sheekada God-dhuub timi miyanay, shaaca ka cadaanin
Shangaliyo Dhulbahantoo fadhiya, shiilcaskiyo ceelka
Ayadoo shirkooduna u dhan yahay, sheybe iyo wiilba
Oo qoriga lala soo shirtegey, kun iyo shii’ gaadho
Shakada iyo maadhiinka oo, lala shuxlaynaayo
Shanfacood la naar nimanku waa shiqibka Daaroode
Shaki maleh Majeerteen inuu sheemo weeraro’e.

Iyadoo shamsadu soo baxdoo, waagu shararaaxay
Shifay uga dareersheen xeryii, laguma shaaddayne
Laye laba shanaad raacdadaa, daba shanbuurrayde
Iyadood shamaal quruxsaneey, shaal asliya moodo
Shanlahooda goortay arkeen, ama shallaadkooda
Ka shakiye markii loogu yimi sheedda Dhagaxley’e
Shunuxshunux ma waayine,wadnahaa shiil Allaw dhigaye
Shimbirawga ciyey ayihii, wada shareernaaye.

Ararsame shafku dhigay siduu shuux ku soo dhacaye
Shullaweyntii reer Hagar ma gelin shaaxin dirirteede
Shuhuuboobe nimankii lahaa shayga saa’idahe
Shanboor baa ku taal wiilashii shaaburrayn jiraye

Hadhowbaa hagoog lala shuxlayn shacabka Caymeede
Shurbaddii magaaliyo maxaa shaahi lagu fuudi?
Sharafmaa hablihii Khaalid dhalay lagula sheekaysan?
Shanshadiyo sidee Khaylidii shirixa loo Joojin?
Shisheeyaa maxaa lala dhex mari shiiqsanaa nimanku.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com