QORAAL
Digtoonaada
Caadadii Boqor
Miidha Sacad Muse
 
 
 
 
 
 
 
 

Cabdi hurre & Adam Yuusuf Shabeel

  Ma hubno sida ay ku bilaabatay iyo waxa keenay gabayadan laakiin waxay u muuqataa in uu Cabdi hurre u gabyey Sacad Muuse islamarkaana Adam Yuusuf Shabeel u hal celinayo. Gabayada oo dhan iyo qisadii ka danbaysay haddaad hayso fadlan nala wadaag.
Wuxu yidhi Cabdi Hurre;

Cayuun darartay layguma soleen? diif anoo qaba
Inankaygu caanaha dalays, diiq uma waayeene
Reer Looge deeqiyo idiin, dabac ma maaleene
Makaahiil ma daafdaafiyeen, doogga kamaseede
Reer Xaamud dooxada idaha, kuma dabbaaleene
Daafiga ma quuteen hadhuudh, dilay ninkiisiiye
Suldaankaygu kuma daayacmeen, damasha waa waayne
Wanka doosha wayn iyo qumbaha, lagama daayeene
Sado lala dibjiray yaa sidii, daad u soconlayde
Wax dallacay duleed joogyadii, doobiga lahaaye
Gobdan? bariye gaalkaa ilaah, noogu dow galaye.


Adam Yuusuf oo ka daba qaatay Cabdi Hurre ayaa isna laga hayaa;

Sida nimanka daarood haddaynu, duunka ka colowno
Badda lacagta kamaad soo dirteen, dagalka Maarsay e
Dawaarna kamaad jeexateen, daaska cadameede

Dakedaha Berbera kama aad jarteen, dun iyo qaydkeede
Dumarkaaga umaad soo dhigteen, dabacaddii suur e
Adiguu dux kuu noqon lahaa, daaniyaalluhuye

Dooxaa Hargaysa ee gobka le, kama dillaasheene
Dubbaha iyo laaskaan ku baraanad, dam isku siiseene
Doqonkaal xeryaha kama jarteen, dacaska jiilaale
Dardarkaa cadaadood rugaha, kama daruurteene

Aniga oo duuban baan iman lahaa, dixida laan dheere
Dalka waxa lagaa badi lahaa, daaqsin maqaleede
Daaroodna kuma qaayibteen, diifta kugu taale
Waar digtoonaada yaannaan sidii daad ku soo geline.
 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.