QORAAL

Digtoonaada
Caadadii Boqor
Miidha Sacad Muse
 
 
 
 
 
 
 
 

Aadam Yuusuf Shabeel

  Miidha Sacad Muuse

Adam Yuusuf Shabeel markii tolkiis arkay siduu nimanka Ciidagale isaga celiyey ayaa Jabouti lagu marti geliyey kolkii uu nimcaystayna wuxuu yidhi isagoo mustareex hadlaya;

Micnaha gabay hadday Muxumadow, murugo ii gayso
Oon tiro masaalkeeda galo, miidha Sacad Muuse
Mustareexay sida suufigoo, madad ku maanshooday

Manka reer Gadiid iyo Shirdoon, madaxa Reer Yoonis
Axmad nuux magaalada Berbera, lagu manaagaynin
Mayal tuugyadii Reer Saciid, Miidha Reer Samatar

Iyagaa markii laysu mudhay, maada lay dhigaye
Jibriilkaa masuubada noqdiyo, mur iyo waabayda
Milatariga labadii Bah Gobo, ee Ciise maganaysay
Makaahiil dhamaan waxaannu nahay, mudane koowaad

Maanshaale Reer Cismaan, mahad ilaahaye
Maalkaanu haynaa ka badan ,magane geedaaye
Waxaan soo mushaaxaba badwayn, moolka ma istaagay
Ma ninbaa muraad iga hayaa madaxa ii taagi..
 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.