QORAAL
Digtoonaada
Caadadii Boqor
Miidha Sacad Muse
 
 
 
 
 
 
 
 

Adam Yuusuf Shabeel & Cabdi Hurre

  Caadadii Boqor

Gabaygii gooddiga ahaa ee aan hore u soo sheegnay ee "Digtoonaada" markuu Adam u tirshey Cabdi Hurre ayaa sida la sheegay la isku deyey in la shirqoolo abwaan Adam Yuusuf Shabeel waase ka badbaaday markaasuu gabaygii misana u noqday oo yidhi;

Cudud nimaad ka roontahay hadduu, kuu cag dhigi waayo
Waa lagu casheeyaa gun, waa camaladdeediiye
Aad cishooyin ila jaariside, iga ciraabayso

Ciise iyo Gadabuursi iyo nimanka Cawbaare
Ooda Caligan wada caaga lehe, curadka shaydaan leh
Xabashidan canjeerada cuntiyo, cadaha qaydhiinka

Qotida canabka laga iibsadee, ceeshka jaban haysa
Abasguulka cududdiisu tahay, ceegan iyo faafan
Sheekhaasta wada caabuddeen, cidi wax yeelaynin

Ogaadeenkaanu caadh goaha nahay, cali iyo Haaruunba
Iyo Ciidagalahaan bartaye, ceelka Herer jooga
Iyo Habar Jeclada camalka xun, sida colkii shiine

Habar Yoonis Ceeg iyo wardheer, culus ku maalaysa
Carab kuma dhameeyee intii, cido Majeerteena
Cadaan iyo madow gaaladaa, caasiyiin noqotay

Meesha iyo cadceed soo baxaan, cimidh u joognaaye
Ilaahbaa cirshiga nooga lulay, caadadii boqor e
Carro edeg tolkay sow sidii ...... caan maaha.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.