Q  O  R  A  A  L

  Taariikh Kooban

  Dardaaran

  B a a f i s

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Ina Cabdalle Muuse

 

 
 

  Sacad Muuse

  Taariikh Kooban

  Nin waayeel ah oo ragga suugaanta u dhuun-daloola ka mid ah ayaan waa waydiiyey - Qoladiinna reer Galbeed ninkee baad is leedahay waa ugu gabay badnaa? Ninkaas suugaan-yahanka ah oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan isagoon meel dheer ka doodin ayuu si aan shaki lahayn u yidhi "Ina Cabdalle Muuse ayaa ugu gabay-yahansanaa".

Waxan markaas soo xasuustay gabayaaga Ina Liibaan Jadeer, Ismaaciil Xayd Aflow, Oomaar Nuur, Cumar Austraali iyo kuwo kaloo badan oo uu ninkaas waayeelka ahi ka hor mariyey Ina Cabdalle Muuse iyo sida aan suugaantii Alle-u-naxariisaygaa waxba looga hayn. Balse erayo koobkooban oo aannu abwaankaas ka helnay aan iyagoo googoos ah idinla wadaagno.

Tixdan inta yar aan ka helnay wuxuu kula hadlayey gabayaa Ciidagale ah oo aannaan magaciisa sixin. Gabaygu waa mid gooddi iyo faan ah waxaana ka mid ahaa;


Usha haddaan ku taabtoon Subeer colugu eedaamo
Abeesaduna waa dhiman lahayd wax akulaysaaye
Ugaadhuna ma noolaan karteen egenka joogtaaye ..... (Egen=Dhul)
Adduunkiinnu nama kaafiyeen laba ayaamoode
Afka nooma buxshaan waxaad ku intifaacdaane
Waxuunbaad amsiisaane ulay ma jeexdaane
Ilmaadeer haddaynaan ahayn kuma ilaasheene
Ulageluhu (baarqab) kuma roorsadeen ugubka qaalmaaye
Haddaa dirir awooddeed qabtaan Arabba waa kaase
Imikaan ardaa loo ogeyn ila xidh mooyaane.


Waa horena laba nin oo Cabdulle Sacad iyo Reer Gadiid ah oo la kala odhan jirey Cali Baadil(C. Sacad) iyo Coomey ayay Ciise Muuse oo rag hore looga diley dileen isla markaana qariyeen. Nimankaas cid waliba waa dafirtay dilkooda qolo loo raaco waa la waayey.

Waa danbe oo aan weli nimankii raq iyo ruux toonna la hayn ayay gabadh beesha Ciise Muuse ahi ku buraanburtay:

Cawleey bagaa
Loo colloobayoo
Cali Baadiliyo
Coomeey la dilay


Ina Cabdulle Muuse ayaa tolkiis ku tirtirsiyey in aan nimankaas la baylihin ee rag loogu aaro, Ciise Muusena col la geliyo. Qolada Cabdulle Sacad oo uu abwaanku ahaa iyo Reer Gadiidna waxa ka dhexeeyey gaashaanbuuraysi. Markii laga diiday weerar ayuu ku jeestay Reer Gadiid isagoo u naqaya oo leh ma markii arrini qadhaadhaatay baad heshiiskii nooga baxdeen iyadoo sida gabayga ka muuqatana qolada Cabdulle Sacad ay la tiillay Reer Gadiid. Wuxuu yidhi abwaanku;

Hangool inan ahaa oo Reer Gadiid hawsha igu ooto
Oo Maalintii rag is hayana iga hunbaalleeyo
Hore haddaan u moogaa wallee haatanba ogaaday.


Ina Cabdalle Muuse oo go'aansaday inuu raggaas u aaro oo diyaargarow ku jira isla markaana tilmaamaya lixaadka u buuxsamay iyo raggii godobta qabay oo soo dhawaaday ayaa ku maansooday;

Ma berdaan ka weynahay anoo baqaya mooyaane
Ma bidhaan cirro ahbaa timaha baadhis laga waayey
Ma baxsoow kuwii Cali dilaa Baqayaleey yaalla.


Nin Ciise Muuse ah oo gooddigaas ka jawaabaya ayaa soo diray tix aan inta soo socota ka hayno oo uu lee yahay dhulkaba nin gabadh idinka qabaad ku joogtaane haddaanaan idinka rarin:


Ilaahoo i dhaafshiyo sarkaal dhaban cad mooyaane
Dhiilkaa an buuxsaday inaan dhimo ma eegtaane
Dhulka waxaad ku joogtaa Xirsiga Dhuuxo kaa qaba'e


Ina Cabdulle Muuse wuxuu dhacay Ciise Muuse raggii laga laayeyna waa u aaray. Dhulkii baa abaaroobay oo geelii ayuu kala fogaaday deegaankuu ka dhacay. Ciise Muuse ayaa yidhi geela waannu dhacsan lahayne baqdin aad qabto ayaad shaanshaan uga tuurtay. Ina Cabdulle Muuse geelii ayuu Ciise Muuse dul keenay oo intuu ciidan ku meershey yidhi dhacsada waakaase gabayna waa raaciyayoo yiidhi;


Daayeerku waa kuu lahaa waad la durugteene
Darka mawgu xidhay Diimisiyo dabada Maydhaale
Ma ku deyrey geysh wada dabliyo duudda Sacad Muuse
Aniguna sidii Janan dallacay ma iska daanshooday.

Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi

Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga
 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com