Q  O  R  A  A  L

  Taariikh Kooban

  Dardaaran

  B a a f i s

  More

BAAFIS
Yuusuf Cabdalle Muuse Sacad Muuse, Cabdalle Sacad

Gabaygan waxa sida la sheegay uu Yuusuf Cabdalle Muuse ka tirshey madal lagu caweynayey oo dhawr gabyaa fadhiyeen lagana codsaday inuu nin waliba baafiyo gabadhuu bilcami lahaa.

Fadlan soo sax soona dhammee adoo mahadsan. Waxan mahad u celinaynaa walaakii gabayga intuu ka xasuustay noo soo tebiyey

Ba’da gabay beryhan Faaraxow waan ka baalidaye
Buugiisi waan laabay oo, baadh isma laheyne
Nimanbaa bidhaan-qabanayoo, beeyo dhaansada'e
Anse bogga iyo laabtuu sidii, baxar i jiifaaye
Aan bilaabo caawoo kalaan buuni ku ahaaye.

Dhamal baacugiisa, iyo Herar, badhaha Xaabaale
Baaruudda Dheemeel Suldaan, beesha Dhamal Aadan
Cabdallahan Ogaadeen bulay, ee Idhan ka baaqaaya
Toljeclahakan Buuhoodle iyo Kiridh u baalleeyo

Burco nimanka yaal reer Biniin, Baarcad iyo Looyo
Ba’ Cillaamo iyo Reer Wacays Barandihii Saaxil
Buurtii Dhameel iyo Nagaydh cadeyga buurbuuran
Biji iyo Buqdhada Taarane, iyo bohoradii Caynta

Isha bararis Baalcadiyo halkay, Beeri ku idlaato
Boqol ninoo ilma adeer ah, oo baafisa isiiya
Billaawaha ninkaan xidhan aqoon, ha igu soo biirin
Ilana baadha caawan bilcami, Baar haddan helo.



 

  More

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com