QORAAL

  Taariikh Kooban

  Dardaaran

  B a a f i s

  More

Yuusuf Cabdalle Muuse
Sacad Muuse  

Waa gabay dardaaran ah oo uu ka tegey abwaankii weynaa ee Yuusuf Cabdalle Muuse. Abwaanku markuu da' noqday ayuu damcay inuu dadka wax tusaaleeyo oo uu aduunyada iyo waayaheeda uga warramo.

Haddii dunida lagu waarayooy, daayin noqonayso
Waxaan laga dileen nebiyadii, laysu soo diray'e
Asaxaabihii baan degeen daahirka ahaaye.

Faadumo iyo dirkeedii ayaan, dumug yidhaaheene
Daahaa ku noolaan lahaa, degalladoodiiye
Anse waxan daliishaday inaan lagu danbaynayne.

Dawliilka uun baad arkiye, diray arwaaxdiiye
Durdurkii Makaad iyo Xajkaan, daalib leeyahaye
Deeblahakan geel iyo adhigu, waa daleel madhane

Daaraha la waageerayaa, waa adduun dumiye
U dedaala diintiyo waqtiga, daacadna ahaada
Cabdallahu dushiisiyo ayuu, dayro kala sheegan

Darkii odayadii hore xidheen, dalawgu yuu goynin
Doqon xaajo waa kaa dilaa, dibedda ba u tuura
Shisheeyuhu hadduu idin danqadho dogob u nooleeya.

Rag i daaya kaagama tagee, dab u fagaareeya
Meeshii dalleenaa muskaba, bahalku doontaaye
Duldhabaha wax loo saaryaa, yaan dugaag marine
Is dugsada walaal kala durkaa dagan abiidkiiye.

Anna duulka aan celinayiyo, daadkakan an moosi
Dal shisheeye waagaan tagee, idinka duukeeyo
Amasa mowdku igu soo degee, dabaqa lay saaro
Dadabtiyo aloolkaan ahaa dib u shalaytooda!


 

MAQAL

  More

  More

  More

  More

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com