Qoraal (Written)

  Inaabtaay

  & Ina Jenicadde

  & Qaatul Cali

  Dudmada iska daa

  W a l l e e

 
     
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamuud Qaloonbi

 

 
 

  Habar Jeclo - Bah Majeelo

  Qalonbi & Ina Jeenicadde

 

Labadan abwaan waxay leeyihiin silsilad gabayo ah oo muddo socotey taasoo jareexo qabiil u badnayd. Ina Jeeni Cadde oo gabadh HJ guursatay ku canaanaya isla markaana dacaayadaynaya ayaa yidhi;

Waxartii hallawdaba, haddii haaro lagu yeelo
Tii Harimcad fuulaba, haddii lagu hangooleeyo
Xabaal lagu hamsiiyeey maxaa Habar Jecluu geeyey


Maxamuud oo u jawaabaya Ina Jeeni-Cadde waxa isna gabaygiisii ka mid ahaa;
Adhigaaga raacsaan lahaa, agab la' weeyaane
Idifkana ka xiir baan lahaa, waa agoon wuxuye
Aabbaheed wastooy maanigaa inanba moodaayey


Maxamuud isna wuxu u galay gabay uu uu Ina Jeeni-Cadde dartiis ku aflagaadeynayo qayb ka mid ah hablaha Saadada Reer Sh Isxaaq.

Dhalad Ciise Muusay u tahay dhabanna waw kaase
Dhaymoole iyo bay degaan, dhinaca Laalayse
DHaraar iyo dharaar bay riyaha, Dhuubo korisaaye
Dhulkeennii ku geli mayso iyo Dhooddi iyo Hawde
Dhami mayso Caanaha haddaan dherigu qiiqayne


Ina Jeeni-Cadde isna wuxu bilaabay inuu wax ka sheego jilibkii uu Maxamuud Qaloonbi ahaa isagoo ka leexanaya inuu isku qaado Muuse Abokor iyo Cumar Jibriil.

Biciide iyo Reer Yoonis iyo Cumarka baalleeya
Nimankaan bilaawayn lahaa iima soo bixine
Bah-Majeelo iyo waa necbahay biirabiiraha'e

Ma hubno inuu Maxamuud gabaygan tirshey laakiin qaarba u tiiriya inuu yidhi

Biciide iyo Reer Yoonis iyo Cumarka baalleeya
Baallaha anay iga xigaan labada buuroode

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com