Qoraal (Written)

  Inaabtaay

  & Ina Jenicadde

  & Qaatul Cali

  Dudmada iska daa

  W a l l e e

 
     
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamuud Qaloonbi

 

 
 

  Habar Jeclo - Bah Majeelo

  Qubane

 

Abwaankii weynaa ee Maxamuud Qaloonbi ayaa doonay inan ay ilmaabti yihiin isagoo u daacad warramayana wuxu yidhi.

Eglan lacagta kama soo diriyo, aradka jaynaaye
Intaan igadh maqaarka u ruxruxo, sooma ololsiine
Afar Boqol ma gaadhoo tolkay, waad ogsoontahaye
Inaabtaay hadhoow yaad i odhan, eygu way hodaye
Sidaa maygu aamini haddaad, uur fayowdahaye
Mise wiil akhyaaraad ka dayan, uumiyuu badane


Maxamuud Qaloonbi ayaa nin ay ilmaadeer ahaayeen ama uu adeer u ahaa Burco ugu yimi. Ninku kumaanu tala gelin Maxamuud imaanshihiisa'e, wuxuu meel uu seexdo uga raadshey guri ay lahayd gabadh carmal ah oo keligeed bangalo dhan ku jirtey. Gabadhii illeen waa shuqul carmali'e malaa nin ay is xodxodan jireen baa u yimi markaasay odaygii bannaanka u tuurtay. Subaxdii baa Maxamuud oo hurdo la'aan iyo qabawgii subxeed isu cuskaday ayuu ninkii ku soo baxay oo waraystay. Gabay dheer buu halkaa ka tirshey kaasoo aan nasiib darro ka hayno tuducyadan soo socda;

Haween lacag ma diidaan haddii hoo la lee yahaye
Hadli waydey goortii Rubbiyad, Haadh
(1) ah loo riday e
Haddii aan hubkaygii sitiyo, haadiso Amleey ah
Hilbaan dhigi lahaa goorti ay igu haweeyeene.

______
(1) Haadh = Adag, lacag adag buu ka wadaa.

Maxamuud oo ka gabyaya dagaal badhtamihii qarnigii tegey ka dhacay Burco waxa erayadiisii ka mid ahaa;

Nin hadduu hammuun badan qaboo halac ku yuusaayo
Hed ma fiiriyee wuxu is odhan hilib ma gaadhaaye
Hollise'e miyaa daarihii halaq idiin seexday


Maxamuud Qaloonbi ayaa Cadan tegey oo niman Aadan Madoobe ahi si fiican ugu sooryeeyeen. Halkii laga eegayey inuu nimanka sidaa u galay u mahad celiyo ayuu magaaladii ka cawday; (Soo dhammee)
Hadhacii la ii waabi jirey huurkanaa xigaye

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com