Qoraal (Written)

  Inaabtaay

  & Ina Jenicadde

  & Qaatul Cali

  Dudmada iska daa

  W a l l e e

 
     
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamuud Qaloonbi

 

 
 

  Habar Jeclo - Bah Majeelo

  Qalonbi & Ina Jeenicadde

  Qaatuul Cali oo Aadan Madoobe ahi wuxu ahaa raggii gabyi jirey ee ay Ina Qaloonbi gabay wadaagta ahaayeen. Qaatuul wuxu Qaloonbi uga horreeyey seaman-nimada halkaasoo ay ku dhex mareen suugaan badani. Maxamuud Qaloonbi, Alla ha u naxariistee, wuxuu dhaqo ka bilaabay shoolladda markabka maadaama uu shaqada ku cusbaa ayay rag dhawr ahi dacaayadeeyeen inaanu garanayn hawshan uu faraa la galay  isagoo nimankaas iska difaacayana waa kii lahaa;

Dafka iyo darraafkuba nimuu daashadaan ahaye
Nin dab iiga sheekaynayaan duni ku noolayne
Dorraad iyo sidaan shalayto imi hay dagaalina'e


Ragga Badmaaxiinta ah ee maraakiibta la socda waxa u caado ahaan jirtey in marka markabku uu marso la tegoba ay gooshoori jireen oo waa niman bad ku raagaye uu nin waliba lacagtiisa wixii Alle uga calfo magaalada la geli jirey. Maxamuud Qaloonbi oo Badda ku cusub isla markaana maaggan inuu ka tabcado xooggiisa ayaa niman arkeen isagoon degayne markabka ku hadha. Markii la weydiiyey sababtana wuxu ku jawaabay;

Guntaydaan ogaa iyo halkay gogoshu ii tiille
Waxa aniga ii gooniya, iyo gebi ahaantayda
Ma Gooshooro geel iyo ninkii adhi ku gaabtaaye
Haddii aan garbaha koodh la helo way gallad ilaahe
Gaala iska yeelyeelkiinakani waydin soo gabi'e


Maxamuud Qaloonbi oo hore ula qabsan waayey nolosha badda ayaa Qaatuul ka il helay oo ku yidhi;

Waa uubateyn jirey askari ololku daaraaye
Odayada iyo habraha dhacayna waa ulayn jiraye
Albaabbada xafiiskuu yiqiin, yaa arji lahaaye


Labada abwaan waxay gabay ku kaftamaanba waakii aakhirkii Qaatuul Cali oo u hanjabaya Qaloonbi lahaa;

Qaatuul Calaan weli ku helin ina Qaloonboow'e

 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com