Written(Qoraal)

  Siikaawe

  T u b a

  A a f o

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Q u r j i i l e

  Jab Daarood

  T u b a

  Gabooyaley

  A a f o

  Afweyne

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Xaaji Cabdi Kariim M. Cilmi

 

 
 

  Habar Jeclo - Aadan Madobe

  Tuba

 

Gabaygani wuxu xaajigu kaga hadlayaa abaal-laawayaasha Qurjiile oo intay abaalkii iyo gacan-ku hayntii Habar Jeclo xooreen u hanqaltaagay taliskii naafada ahaa ee Afweyne qabqablaha ka ahaa. Ruuxu hadduusan iimaan lahayn oo qalbiga ka qoomman yahay ma daayo qardabooyin uu aakhirka u go'o. Qolyahaasi markay maalin dhergaan ayay Rabbi iyo ragba illaawaan oo Ibleys meel daran ka raaridaa ka gadaalna ay qoomammoodaan. Xaajigu wuxuu kaga hadlayaa gabaygan taariikhda colaadda Dhulmahante iyo Jilibbo Habar Jeclo ah oo muddo soo taxnayd isagoo tusaalaynaya duulkaas inaanay samo mooyee xumaan weligood wax uga qaadin isla markaana mar walboo dirir lagu kulmo ay baqo dhabarka jeediyaan. Waa "Tuba";
 

Tabuu gabaygu kala leeyihiyo, tuba la qaadaaye
Milgaa ararta lagu toociyaa, amase taariikhe
Tiskaa lag guraa iyo midkaan, taabba ku lahayne
Tiraabkayga meeshaan la ku wado, waw tammadiyaaye

Tabaaladu Dhulmahantoow, waqay inaga soo tiille
Wax dhanbaynu maal kala tagniyo, Tooyo iyo Liige
Wax dhanbaa tabcaa reero degey, tuug habeen miraye
Wax dhanbaynu hebel toogo iyo, godob ku taagnayne
Umadaha cilmiga tiigsadaa, ways tixgeliyaane
Tuskoo da'ay gadaalbaad, wixii tegey illowdaane
Timmoodkaa cayila maalintuu, tiixa roob helo'e
Tu'aan la hubsan reer Cali Geraw toosanaan jiraye
Inta talada loo baahan yahay, kuma tanaaddaane
Seyidkii Fardaha toocin jirey, Tuuro iyo Dhooddi
Taariikh madowbuu Hartiga, taababkaw sudhaye
Togga Bohol, Taleex baa lafii tuuranyiin weliye
Toddobaatan guuroba, mar baad turunturroota
Tafsiirkiyo waxyiga Eebbahay, baad ku tumataane
Turjumaan ibleys iyo waxbaa tookh idiin lula'e
Tola'aayda Daarood ayaad taran ku weydeene
Tallaabada Mareexaanna waa, tii horoo kale'e
Tigaadda iyo Daaraha ku yaal, toonka Xamarweyne
Taf-la-xididka Reer Diini iyo, Tayga la caseeyey
Toxobtiyo Sangaallaha qubtaye webigu soo tuuro
Timcadkiyo Taneeglaha bixiyo, Tiirka dhilifaystay?
Tacabkiyo midnimadaan dhisaye, tawstu iga gaadhay
Tammootida raqdeediyo hilbaha, Aarku tegi waayey
Tuugada mareegaysatay iyo, tidica loo diiray
Toddobada kornayl iyo hubkaad, tarako mooddeene
Idinkaa Saleebaan tafaqay, taxanahoodiiye
Inta guri ka sii taagan yahay, way tallamayaane
Tikraarkooda nimankaa jarteen, haw tayaakhina'e
Hadba kii tantoomada hayaad, teeshka la cuntaane
Toddob iyo dhunkaal baa laqdeen, aan tayo lahayne
Wixii labada geesood ka tegey, yaa iskiin tubay'e


Tunka iyo lafaha idin burburay, meydka tiro beelay
Tukihiyo waraabaha dhergaye, taharta nuugaaya
Tafantoofka idin haysta iyo, taylaxdiyo weerka
Tagooggiina wacadkii ku jirey, baa tumaatiyaye
Tabbad iyo waxaa idinku dhacay, toomman iyo shuushe
Tabtii reer Samuud, baad waqtiga tarantarrayseene
Takar iyo findhicil baa tihiin, taayir hoos galaye
Taxaabiyo dagaal habar xabuush, uma timaaddaane
Tigraar iyo fallaadh baannu nahay, Tiger iyo shaashe
Tuurtuurka leebkiyo riddada waa ku turannaaye
Buruudkaygu wuxu taabbud yahay tooxa dirireede
Libaaxay Tumaaluhu dabeen, taarki kala gooye
Tuhun kuma negaateen kolbay gobi ka toostaaye

Aduunyada Ilaah baa turay, oo taawadeeda lehe
Talaalaxada maalmaha xilligu, wayska talanteele
Hayeeshee nin keligii tashaday, Malaha tawfiiqe
Inta boqor garoomaha tirsaday, taajki ka hulleelay
Tiraabkaa ka badan wiil is yidhi, toogga ka cayaare
Kanna inuu tukubo dheer yahay, oo tiicay baan furaye
Tusmo niman idiin haynin baad, taawil gelisaane
Tuska CaabudWaaq iyo biyaha, tahan ka laacaaya
Toban-guurka waxaydiinka roon, taxarka caymeede
Tallaalkaaga lama gooyo iyo, taad ku nooshahaye
Toddob iyo hillaacoo ka baxay, Toomo iyo Laaso
Tamashlaha Burciyo laamigaad, Bidixda tuurayso
Togashada geyaankiyo hablaha, Teeri laga qaato
Taakulada kama maarantaan, taniyo goor dheere
Taqwada iyo iimaanku waa, tiirka aadmiga'e
Ninna uma tasheecdaan markaad, nabad u taalliine
Tawjada abaalkeedu waa, Toorinkoo muda'e
Waaryaadha kala toosannaye, taa ha la ogaado

 


 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com