Written(Qoraal)

  Siikaawe

  T u b a

  A a f o

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Q u r j i i l e

  Jab Daarood

  T u b a

  Gabooyaley

  A a f o

  Afweyne

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Xaaji Cabdi Kariim M. Cilmi

 

 
 

  Habar Jeclo - Aadan Madobe

  Siikaawe

 

Gabaygani wuxu ka hadlayaa dabargoyntii "faqashta" iyo dib-ka-naaxyada daba dhilifka u ahaa ee ku hodmay hummaagga Daaroodism-ka ee dalkii Somalia la odhan jirey lagu burburiyey. Wuxu gabaygu si gaara u tilmaamayaa jilibka Dhulmahante la yidhaahdo oo ku hantaaqmay haadaantii uu Afweyne uga tallaabsaday kuna hoobtay hadimadii ay la damacsanayeen Habar Jeclo oo taariikh ahaan ku guntaday dhawr jeer oo ay qabiilkaa yari xabaal qarka u saarmeen. Gabaygu taariikhdaas ka sokow wuxu taabanayaa halaaggii cuskaday qolyihii uu hoday hororkii Garbahaarrey ee Afweyne Barre.
 

Sa'da gabayga suugaan haddaad xaraf ka saanqaaddo
Ama aad sarbeebtiyo naxwaha sadar ka liishaanto
Runta lalama seegiyo halkuu suura ku ahaaye
Suaashaan dhugmada kuu lahayn waad ku saxataaye
Ragbaa arar-subbeehida yaqaan oon sagootiyine
Gartana laysma siiyoo marbaad surinka weydaaye
Hayeeshee sangaabtiyo tixday salawday laabtaydu
Aan xalay saqdii dhexe mirtee saaqay madaxayga
Anigoo sardhada nuugayaa sookac lay yidhiye
Hadba aniga oo somman bay ii sallaxantaaye
Senge iyo Baroor xoodanoo Saynax iyo Bood leh
Markaasaan sitaaciyo warmaha nadiga saaraaye
Markaasaan saqaafaha korjoog suugha ku eryaaye
Markaasuu Sarmaantiyo kobaha Sarinka gooyaaye
Markaasuu ku soonnaaniyaa beel surmo u taalle
Markaasaan Sakaallaha furtaa subax ku baadhaaye
Markaasuu sawaxan geylamaa Saawi golaheede
Markaasaan Samaadeey xeryaha kaga safeeyaaye
Markaasuu sutida leexiyaa saacad iyo dhawre
Markaasuu sibraarkiyo cabbaa Suusac iyo dhay'e

Afartaa silsilad gaara iyo sogordah waayeel dheh
Adduunyadan sikiiraha dhigtaye samada loo guuray
Markaan deyey sansaankiyo Laxaha, Sanaca taariikhda
Aan deyey sannadihii gudbiyo sulufka qiiqaaya
Aan deyey waxyiga soo socdiyo saaka waxa jooga
Minka Faalku soo saaray waa saxalki Daaroode
Sooraa gudduutay iyo Cimruhu, Seerihii dhige'e
Salmuhuu Gurracay baan arkaa, Sigay Faraaciine
Anoo hadalka meel kula socdaan qaar ku sahaydaaye
Sunbaygiyo Curraafkaan hayaa waa Siciid jabay'e

Teeriyo sabaan Nuux intii seedka la afuufay
Sahwi kama baxdaan iyo inaad suruc gadooddaane
Saryankaydin dhaamiyo ugaadh socota waadaale
Hadba sarac go'iinniyo dhunkaal baad sandalataane
Wadaadkii saraayaha dhigee, Saaxirku halleeyey
Suufigii BahGeri waydinkii Saayirka lahaaye
Subax qudha markii reer Taleex salabka loo qaaday
Kumanyaal xakamihii sitaa haadka loo solaye
Sagaar dabadka waatay noqdeen soobirkii Gorode
Sargabyada caruurtiyo marbaad suunka dubateene
Sakhir baa geyiga aannu naal Saatir kuu dhigaye
Wax dhaaxaad sudaha reer Isaaq samo ku joogteene
Wax dhaaxaa safraha reer garaad Saaxil loo diraye
Mariyihii Sibbaaqiyo lahaa seynabtiyo luulka
Subeeciga Siyaakhiyo Dhaclaha, Suufka la xijaabto
Satiyada dhibaadda ah gabdhaha, Saaqa iyo Qaali
Yarad-siinta saaxiib-cunkiyo, saacidkiyo loogga
Sandaqa iyo Siin-raac gobeed, saami iyo gaafow
Wax dhaaxaad abtiyo Seeddiyoo, saas ku rarateene
Salka lagama dhaacawo, halkay sagabtu kuu taalle
Saboolkiinna nimankii korshaad, Sede ka raacdeene
Sirqadii danteeda oggol, baad buro ku siisaaye
Sarsarrida waxaad kaga jabtaan, sudhaya Daaroode
Sodcaal iyo tolnnimo kaa fogbaad, sare u waabteene
Sibraar baad ku badhax qaadateen, aan sidde lahayne
Sandareero iyo dheefyarbaad, saac ka dhigataane
Marna talada kama saadisaan, say hadhoow noqonne
Saddexadiyo Kaymaha markuu, sagalku doogeeyo
Sayax dheregga waad leedihiin, seben barwaaqaade
Saxan-saxada lagu mayracaa sogobku baaqaaye
Soobaan-Garwadi baad tihiin, Seylo roob helaye
Soddon-guuradii dawladdaad suxulka leefteene
Kuwii Darayga soognaan jiraa suuq-madow helaye
Surwaal iyo haddaydiinku hora, saacad iyo Shaale
Haddii badow caqligu seemmanyay suudh cad lagu taago
isagaan Salaaddiyo sharciga, siin ka garanaynin
Salbac-kibirka xaajada hadduu saailka abbaaro
Durba waxad saluugtiyo gefkuu libinta siiyaaye
Ragna haddaad salleelle u gashaan sababi kuu geynin
Sedo lagama raadshiyo inaad saayirkii tahaye
Sur-taag iyo qab aydnaan lahayn baad sawirateene
Suunnaarta iyo shaarubtii la isku soohaayey
Hindigii garbaha lagu sitaye suubban lagu qaatay
Sabo gacal nin waayaa martiya, sooryo inaneede
Sarartii ciyiga loo baxshaad selel ka qaaddeene

Maahmaah raggii hore sugeen oo sax lagu sheegay
Siduu yidhi Haweenkiyo Farduhu, waa sacaadada'e
Midbaa Biliga kaa seexisoo aad ku sirirtaaye
Midna sareedo iyo bayddi baa lagugu siiyaaye
Sibro dhiigleh maantana miyay idinku saameeshay
Single iyo cudhaadh baad tihiin, saydhan meerta ahe
Sinji lagu arooriyo qabiil kuma sed qaaddaane
Hadba qolada xeegada siddaad saar u noqotaane
Sako laguma maal qaybsadiyo subag Diraaceede
Col la saaray saymaha dagaal, saydho iyo weerar
Saloogeeyda goob lagu dhintoo, Seenyo ololayso
Signal iyo caruur baaqayiyo, saanaddiyo yoolka
Sakatiga dhimbiilaha horaad suruqda jiidhaane
Saanbooli naaxdiyo kuwii Soolka laga raafay
Summad-Laawe iga hiiliyiyo, sab iyo qayrkeeda
Salsalliigtu uma beer dhigaan, sumuca reer sheekhe
Saliimkii qalbiga daahirka ah, yaannu sidannaaye
Alamtara kuwii loo sakhiray, suuradaha diinka
Sulubkiyo Shinnidi baannu nahay, Saadadii Beder'e


Siikaawiga cidhbaha gaaban, iyo Suugga idin boobay
Silcayeeyda naagaha guryaha, seexan kari waayey
Sambabkiyo Wadnaha diidayee, Soodhku idin gooyey
Safankiyo cagaa idin gubtay, iyo Suulashiyo Fayga
Saleegyaha wejiga kaa lushiyo, siigadiyo Weerka
Inay tahay Saleebaan hog-waa, saas adaa qiraye
Sarta kabaha waataa ilkaha, aad ku sidataane
Sandullaad ku amar qaadateen, samir la'aaneede
Sakal Nibiri iyo Cawjad, yaad sibiq tidhaahdeene
Simbiriirixaad ugu dhacdeen, meel Sambaatiyahe
Suryo cururuqaad ugu jirtaan, seeto godobeede
Inyaroo Suldaankii wataa, saamax loo qoraye
Sakhraan iyo Khaliif baadiye, iyo Saalax iyo Deeble
Safkii ina Buraaliyo lahaa, Suufi iyo Qaybe
Darajada Sabuuxda ah, kuwii beenta lagu siiyey
Salxaan iyo hubkii Shiish-Wanaag, Soofe iyo Morgan
Aaway Samatar iyo ciidankii, waa la sugayaaye

Sahankiyo barbaartii kacdiyo, Saajinadi qooqay
Intii inan sarkaal qaadatee, seefo lagu gaadhay
Ama wiil sarraxa muujiyee, sigic u laafyooday
Siijeed kuway ugu dhacdaye, saas u kala jeexday
Iyo qaar gacmaa lagu sidoo dhaawac sirinsiiray
Iyo qaar sinaha jiidayoo, Seedda ka curyaamay
Iyo qaar sullaacii baqaha, Samiyihii xooray
Iyo qaar siniintii arkoo, dhiig-la-socon-waaya
Iyo qaar naftoodoo suke ah, saafur lagu sheegay
Samoow Nuur Bidaar iyo raggaan, saa u garanaayo
Kuwii amarka seelseelliyiyo, meeye ina Saadle
Siraad bay ku doondoonayaan, siliglayaashiiye
Sidigtiyo bahnimadaad qabteen, waydinkii siray'e
Sacmadeeqo, Sool, iyo Karkaar, sabarka Buuhoodle
So'da Dogoble, meeshiyo Sarmaan, sediyadii Dhooddi
Darantii Sifaarkiyo lahayd, suugadiyo Dhuurta
Sanqadh laguma oga dawyadaad, saakin ku ahayde
Salsaal baa ku dhacay reerihii, sixintu dhoobnayde
Xaggan seegte meel kalena, way kaa silloon tahaye
Sanbaa Libaax baa fadhiya, soonihii Xamare
Surrad baa dhextaal buundadii, webiga saarrayde
Irir iyo Sagaal maanta waa, sun iyo deebaaqe
Siddeed iyo Ajuuraanna waa, kaa siqsiqayaane
Sabuulkooda nimankaa cunteen, yaa sammaamuraye
Beerihii siyaaxiyo lahaa, Saakow iyo Waamo
Samsamkii shabeelkiyo Markee, sahalka loo qaatay
Sintii Curuba iyo Baar Taleex, waa sallaan dumaye
Inaad Booli-Qaran seexataan, haw siddiiddiyine
Safrad bay la dulug lee yihiin, sibirya dheertiiye
Sagag iyo waddada Ceel-Garraa, kuu sokeeya ahe

 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com