Written(Qoraal)

  Siikaawe

  T u b a

  A a f o

  More

  More

  More

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  S i i k a a w e

  Jab Daarood

  T u b a

  Gabooyaley

  A a f o

  Afweyne

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Xaaji Cabdi Kariim M. Cilmi

 

 
 

  Habar Jeclo - Aadan Madobe

  Aafo

 

Gabaygan Aafo wuxuu ka hadlayaa sida jilibka Dhulmahante ay waagii Afweyne dalka baaba'sanayey ay tol, qaraabo, xidid, iyo xasaboba u tuureen ee uu ay midiiddinka ugu noqdeen Afweyne. Jilibkaas Dhulmahante waxay inta badan deris la yihiin Habar Jeclo oo xididnimo, qaraabo, Soomaalinimo iyo Islaamnimoba ugu gargaara marka ay waallidoodu jar ka tuurto. Waxa kale oo dhanka kale ku haya Majeerteen oo ay sida ay sheegtaan wadaagaan wada dhalasho. Dhulmahante waagii Afweyne labadaas qolo ayay ugu waxyeello badnaayeen iyagoo aan dantooda iyo siday hadhow noqon ka fekerin ee manfac (ciyi) hoday. Hubkii Afweyne siiyey ayay durbadiiba ku bilaabeen Majeerteen oo waagaas la baacsanayey ka gadaalna Habar Jeclo ayay weerar ku ekeeyeen iyagoo ku andacoonaya in ay dhul laga xoogay ay soo ceshanayaan.

Markii Afweyne iska tegey, jilibkaas Dhulmahante waxay muteen qolyihii ay xumeeyeen iyaguna iyagoo Soomaalinnimo iyo Islaamnimoba xeernaya ayay gacantooda ka laabteen markii ay sidii Biciid jaban tallaabada hidin waayeen. 1991 kii ayay ahayd markii Garaaddadoodu baryootamayeen Burco ee "Abtiyaaloow" ay dadka ku beerlaxawsanayeen. Majeerteenna waxba uma sheegan ee wuxuu ku tashaday inuu sidii Afweyne u isticmaalay ay markooda ka faa'iidaystaan waxayna ugu baaqeen inay hoos yimaaddaan maamul goboleedka Puntland.

Gabaygu wuxuu kulansanayaa waxyaabahaas aan kor ku xusnay. Ogoow gabaygu ma saxna'e

 

Aafo - Xaaji Cabdil-Kariim Maxamuud Cilmi
Haddii gabay awoow leeyihiyo, Aabbe lagu sheego
Arbihii Salaan Maxamed, iyo erayadii Raage
Abyan iyo Ismaaciil Miriyo, oogti Cali Jaamac
ildab, iyo Gammuute, iyo Nuur, Aadan iyo Qawdhan
Afkii Maxamed Nuur, iyo Gahayr, ubatadii Faarax
Arartiisa waxa haybin jirey, Awgi Cali Dhuuxe

Marba dunidu ayniga danbay, aanadeed tahaye
Ajal dhimatay ugub kuu curtiyo, adiyo wiilkaaga
Aroortii la gaadhaaba waa, oday ka sheekeeye
Afyaqaanku taariikhda waa, ku andacoodaaye
Hadduunbaa ilaaq laga dhigtoo, aaran baa kacaye
Nimanbaa ujeedaddu la tahay, kaa anaa idhiye
Raggii hore in wuxu dhawri jirey, aasha dabadeede
Marbuu adiga kaa xidhanyahoo, kugu adkaadaaye
Albaab baa murtidu leedihiyo, ooda dhacameede
Akhbaartiisa goortaad heshaa, la anba qaadaaye
Aanbada salkeediyo markaan, eegay waxa jooga
Ashahaada buuxdiyo ninkii, run iyo iimaan leh
Ama alifka iyo suuradaha, ku intifaacaaya
Ama sida islaamnimadu tahay, aad u garanaaya
Ama sharaf masuul lagu ogyoo, beenta ka ajooda
Aan oday-ku-faan iyo badheedh, ku adyadoonaynin
Ama hadalka uu odhanayiyo, uurku kala leexan
Ama aan afuradiisu noqon, oon xun iyo booli
Ninkaasaa ummadi dhawrataa, la ogolaadaaye

Isaaq iyo dhulkayskuma hayaan, idhanka Daaroode
Asalkiyo hiddaha meel qudhay, wada ahaayeene
Afweyniyo Dhulmahantoow xornimo, waad arradiseene
Aasaaska diintiyo xaqaad, ka indha saabteene
Ammiin iyo Bukaasaha labaad, idinka weeyaane
Afrikada madow bay ku tahay, or iyo naanayse
Irmaantaada lama gawracdiyo, awrka kuu rarane
Afarta addin iyo dhoollahaad, uuska geliseene
Warsangeli ammaan kaama rabo, eegashiyo hiile
Ilbax buu ka yahay taasi iyo, eregta qaarkeede
Ragaan eedda kula geysanbaad, u irkanaysaaye
Malaa orodka wehel baad biddeen, aamuskaa darane
Aawiyo Majeerteenba waa, ubaxa Daaroode
Abtirsiimo looguma hanbayn, aarka Talareere
Oogada Garoowiyo, Qardhiyo, uur-cal iyo Bayla
Umulaha la dooxiyo guryaha, udubka loo saaray
Ooryaha la duubaye rag kale , la ogolaysiiyey
irdaa Boqorka nimankii lahaa, ooristiyo weerka
Agoonta iyo naafada jabtaye, loo arxami waaye
Inta dunida lagu uumman yahay, aakhirkiyo Shii-ga
Haddii inan ka hadho waa midaan, cidi illaaweyne


Ugaadeen Bullaaliyo, Digweyn, kuma arooraane
Indhaweyd horweyn kuma ekayn, Aara Reer Caliye
Afkaylagu gubee iyo la waa, agadi Haaruune?
Ishinkiyo lo'dii kuma dhaqdaan, aagyadii Herere?
Abeer Celiye Kama foofiyaan, Obokha Doolloode?
Cabdulle-na aloos kuma degaan, aydi Xananeede
Aagaamihii kuma lisaan, aydintii Dalale
Ugubkiyo hablihi miigganaa, kuma aroostaane
Aftin iyo col bay uga qaxeen, arad-sankoodiiye
Iyagiyo Abboogaa xeryaha, laga ammuugaaye
Utuntiyo colaadday bartaan, eeradkii hadhaye
Inta dunida lagu uumman yahay, aakhirkiyo Shii-ga
Haddii inan ka hadho waa midaan, cidi illaaweyne

Abgaal iyo Xawaadliyo ragii lays af garanaayey
Oodaha Dudubliyo, bah Gidir, irir dhamaantiisa
Beelaha la kala iibsadee, oodda lagu meershey
Umarada xabsiga yuurutee, Jeelka ku abaaday
Ardaydiyo shaqaalaha baqtiyey, arag xumaantooda
Argagaxa saboolkiyo hantida, meelo kala aadday
Anshixiyo quluubtii dadkoo, kala ugaadhoowdey
Ehelkiyo bulshada wiiqantiyo, oosha kala guurtay
Inta dunida lagu uumman yahay, aakhirkiyo Shii-ga
Haddii inan ka hadho waa midaan, cidi illaaweyne

Goortii aslaha dawladnimo, agabta loo gooyey
Waataa abaar ku habsataye, oloshay maandeeqe
Anfac lagama dawdabo sidaad, ugu imaaddeene
Ubadkiyo barbaartay dhashaa, uubta loo qodaye
Abris iyo Gungume qaawanbaad, ku ibtilayseene
Aboorbaa gondaha kaga bixiyo, ibihi toosnaaye
Ogor iyo dhir bay daaqaysaa, lagu idlaadaaye
Abley iyo xinjiro duubanbaa, loo areerimaye
irdo iyo dhunkaalbay sidaa, eebo iyo dhiige
Ergo iyo wadaadday qabtaa, Eexashiyo dhaare
Caawana ardaa lagu gam'iyo, aaminkeed dhimaye

Goortay anaaniyo qabiil, oomman ku ahaatay
.....
Markaad aragto aayaha danbiyo, ara la'aantiina
Irdhadaa qabtaanbaad wejiga, ururinaysaane
Dabkaa ololiseenbaad haddeer, la anfariirteene
........Silsiladaha qarxaad, umal ka qaaddeene
Askartii qafaallayd hadday, amarki diideene
Abris iyo dugaag baa tihiin, lagu adeegtaaye
Aqoontiyo wax kuma qaadataan, aragti Diimeede
...........
Ayaxlaha sidoodii hadaad, ku il wiriirteene
kuwii aad abbaanka u siddaa, kaa inaabsadaye
Inaydaan waxbaba sii ahayn, haatan la ogaaye
Halka aramidii idin dhigtaa, uur-ku-taallo lehe
Sida igadh darkii laga eryaad, udullubaysaane
Intaan qaranku idin eersanbaad, dad u ekeydeene
Ikhtiyaar la'aanbaad tolmaha, u oggolaataane
Imikaad abaal nagu qabtaan, iinta kugu taalle

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com