Q O R A A L

  Tuuggi R Xamar

  Baroordiiq

  Malkada Berbera

Allahayoow

Ammaan Faras

  Tacaboow Ba'

 

 

Cali Jaamac Haabiil

HA - Ciise Muuse Allahayow

Somali Poetry

Gabaygan wuxuu ka mid yahay gabayo dhawr ah oo uu abwaankii weynaa ee Cali Jaamac Haabiil uu ku durayey wadaad ku sheegii Ina Cabdille Xasan ee xalaashaday maalka iyo nafta dadka Soomaaliyeed. Tixdan wuxuu abwaanku Eebbe ka baryayaa inuu ka qabto wabiinka iyo caammadii raacday ee uu majara habaabiyey.

1. Allahayoow aduunyada adaa uuntay keligaaye
2. Allahayoow arwaaxdana adaa qoray arsaaqdoode
3. Allahayoow adoomuhu aday ku irkanaayaane
4. Allahayoow alabaabada adaa ooda oo furae
5. Allahayoow ma awdidoo xaqaad soo iftimisaaye
6. Allahayoow aduunbaw arxama kii itaal darane
7. Allahayoow adaan eex aqoon eedna aan qabine
8. Allahayoow awood adigunbaa loo ogsoon yahaye
9. Ninkaloo itaal lihi ma jiro adiga mooyaane

10. Allahayoow midii uurlehiyo tii irmaan dumarka
11. Allahayoow umulihii nin diley ubad jaqsiinaayey
12. Allahayoow mid aano iyo kibir Muumin ku idleeyey
13. Allahayoow addoonimo midaan kugu adeecaynin
14. Allahayoow midkaa ku inkiree diidey amarkaaga
15. Allahayoow mid oogada jirka aad insiga mooddo
16. Allahayoow misana aan ahayn awliyana sheegta
17. Allahayoow ibleys kaa u eeg oonu garan weyney
18. Allahayoow nin aayaadka iyo diinta ku adeegta
19. Allahayoow amaba aan u odhan siday ahaayeenba

20. Allahayoow aqqonlaawahaa eeydu daba joogto
21. Allahayoow ibleyska khaliqigu ka ashkatonaayo
22. Allahayoow adigu waad ogtahay waadna aragtaaye
23. Allahayoow adoomaanu nahay diinta aaminaye
24. Allahayoow baryada naga ajiib kuu ergaan nahaye

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com