Q O R A A L

  Tuuggi R Xamar

  Baroordiiq

  Malkada Berbera

Allahayoow

Ammaan Faras

  Tacaboow Ba'

 

Cali Jaamac Haabiil

HA - Ciise Muuse Tuuggi Reer Xamar

Somali Poetry


 

Gabaygan wuxu Cali Jaamac ku sifaynayaa ninkii Daarood ee wadaadka sheegan jirey ee la odhan jirey Maxamed Cabdille Xasan. Ina Cabdille Xasan wuxu ahaa nin qaatil ah oo aan caruur, cirroole, haween iyo culimaba aanay seeftiisu ka xishoon. Axmaqnimadiisa waxa u dheeraa sifooyin kale oo aan islaamnimada asal ku lahayn sida isagoo aanay haweenkii daraawiisheed u kala soocnayn oo hadba tuu doono inta ka xusho meher aan sharciga ku ool marsiiya. Guur-beenaadkiisu markuu toddoba marayey ayuu Cali Jaamac gabaygan uu ku reddinayo ninkaas tirshey ayadoo markuu tii 8aad “guursadayna” uu Salaan Carrabey yidhi “Fircoonbaa cilmiga sheegi jirey, sheekhna ma ahayne. Naagaha siddeed baw sharciya, shayna weheshaaye”.

Wuxu yidhi Cali Jaamac Haabiil;

Indhaweydba waataanan tiring, taawadii gabaye
Ta'da niman aqoonnini intuu, tubaya baanaayo
Way iga tadheeyeen halkii, malabku tuurnaaye
An tumaati rido waataa murtida igu tuhmayseene.

Tawraad, iyo Injiiliyo Furqaan, kala tol weeyaane
Toolmoonihii Maxamed(NNKH), baw tegey Ilaahay e
Tawxiidkuu na faray looxyaday, noogu taal weliye
Waa tiir aan naga liicihayn, taannu leenahaye.

Waxa lagu tilmaansado sharciga, malaha tuurtuure
Rasuulkii (NNKH) wuxuu naga tiruu, taabka ku hayaaye
Tacabkii ba' waa sida Fircoon, tab iyo diinaade
Isagaba Badbaa lagaga tegey, naarna lagu tuurye
Kanna taakadaas baw hadhoo, waa tukubayaaye
Ha targaafo sida Towja geel Tuurin baw qorane.

Afartaa ma taranteerrinine, maysku wada tiirshey
Togaggaan ka soo qaadan jirey, Taar ma kaga keenay
Tuduc kalena way hadal yaroo tamashle waayeel ah.

Toogtii horeetuu Isaaq, taw ka soo yidhiye
Tamaradii Ilaahay ka qaad, Timihi Daaroode
Arasame ma tooxsado fardaha, takhantakhoodiiye
Tafantoofe nimankii Nugaal, taysa ku lahaaye.

Maxamuud Garaad turunturruu, weli la tiicaaye
Barkadkii tumaadida caddaa, tuhunki waa beene
Teed laguma oga Bahararsamii, turuqa weynaaye
Garaadka ay tumaaluhu dileen, taawishaa qabane.

Tolkood nimanka iibsadey Ilaah, tacabki waa siinne
Tawstuna Cali Geri bay ku hadhi, taniyo xaataaye.
Talaatiinka Ramadaan ninkii, idin takliifaayey
Toobadda iyo Ash-haadada ninkii, idin taraarsiiyey

Hadduu Teerigii idinla helay, nalagu taamaayey
Tunka ka leefa dhiigiyo ilmada, idinka tiixaysa
Hadaba toogga baxa waa janada, talalaxdeediye
Tureecada day waataad kufriga, nagu tilmaanteene.

Toddobuu qabaa naaga xora, tuu falaa darane
Kun towxiidsanaayuu sidii, Teys u gawracaye
Taag niman lahayn iyo agoon, buu ka taajiraye
Safar waa la taakulin jiree lama tayiiseyne
Isna turuqyaduunbuu jaraa timirta cuurtaaye

Taladii Ilaahay ka qaad tuuggi, reer Xamare
Ma Talyaanigaasaa mahdiya tanina waa yaabe.


Gabaygan ma uusan jeclaysan Ina Cabdille Xasan. Markii uu eedihii gabaygu ku tilmaamay dhan uu ka maro waayey ee ay ku caddaadeen ayuu bilaabay inuu caytamo oo intuu xitaa Isaaq dhaafay ayuu canbaareeyey beelo kale oo Soomaaliyeed. Waxa kale oo uu caayey Cali Jaamac oo uu ilka dabar leh iyo alaab weyni (hadalka lama qaawiyee) uu ku xansaday. Ma garan karno waxa Ina Cabdille Xasan uu dumarka iyo ragga hoostooda u sifayn jirey hayeeshee gabaygaas uu is yidhi kan kore kaga jawaab waxa erayadiisa ka mid ahaa;

Iidoorka hoosada Berbera ka hawisaa hey leh
Harag uraya Muusa Carrihii hoodhin jireybaa leh
Xaal hadura Habar Yoonis iyo herer nin joogaa leh
Hadduu awrku heeryada ka rido hoogey Arabbaa leh
Hilib qudhuna Gadabuursigii haysan jireybaa leh
Ciisaha baqtiga hiigayiyo haqay midgaanbaa leh
Huuraale Cali Jaamac iyo
huluq dameerbaa leh.

Cali Jaamac Haabiil gabaygaas wuxuu kaga jawaabay gabay aannaan wada hayn oo uu ku dhaleecaynayo Ina Cabdilla Xasan iyo hoostiisa uu faalleeyey isagoo asna qabiilooyin Daaroodka ka mid ah wax ka sheegay sida Dhulmahantaha oo uu ku yidhi “Eygaa hariiryaha leh iyo heer Dhulbahantaa leh, Inta Habar Majeerteen ah iyo halamash naagaa leh”: Waxa kale oo gabaygaas ka mid ahaa;

Huluq dheeridaydiyo siduu ku arkay hoostayda
(1)
Ma haweenaydii aan qabaa hooge laga yaabye.
 

Gabaygaas kore Ina Cabdulle Xasan kuma waano qaadane wuxuu tirshey gabay isla xarafka ha'da ka hadlaya oo uu Isaaq ku caayayo isla markaana Cali Jaamac cawradiisa uu si muraaqo leh u sii sifaynayo .  Gabaygaas oo ay ku jiraan cay ay xitaa ilmaha yaryari ka xishoodaan waxa inta la qori karo ka mid ahaa;

Nimankii habeedleey umula huga u maydhaayey
iyo nimanka hooyadood ku odhan habartu waa dhuustat
Iyana heer inay leeyihiin hubantiday weeye

Habaryooniyo Reer Jugliyo, Habar Magaadloo dhan
Iyo Caliga hoosada Berbera
Huluqa jiidaaya
Iyana heer inay leeyihiin hubantiday weeye.

 

Cali Dhuux Aadan ayaa gabaygan hortiis Ina Cabdulle Xasan ku caayey in marka Maxamed Cabdulle Xasan iyo hooyadiis Cawo Seed (AHUN) ay ka dhergaan xoolaha ay dadkoodii ka qatan yihiin ee xarunta tuban inay dhuuso isugu jiibiyaan oo waa kii lahaa

Adigiyo Cawo-ba dhuusadaad kaga dhakh siisaane.

Ina Cabdulle Xasan sheekadii isaga iyo Cawo Seed (AHUN) joogtay ayuu damcay inuu Isaaq u saariyo fallaadhise gilgilasho kaagama go'do ayaa la yidhi.


___________________
(1) waxa ku deeqay Mohamed Muhumed (yamani)
 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com