Q O R A A L

 

Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)
Biciide -  Boho

Somali Poetry


Aw cabdi muuse waxuu ku dhashay miyiga Ceel-Afweyn 1911 sida uu ii sheegay walaalkii Alla ha u naxariistee Axmed Muuse. Aw cabdi waxuu ahaa sheikh ku dedaala daacad alle iyo ku dhaqanka shareecadda Islaamka . Waxuu ahaa ruux dadka u siman oo ay wada jecelyihiin .Waxuu ahaa suugaan yahan. aftahanimo xeeldheeri ah leh . waxuu tiriyey gabayo iyo qasiidooyin fara badan oo aanaan wada hayn. Qasiidooyinka waxuu tirin jirin xilligii xoriyad doonka ee la rabey in gumeysiga Ingiriiska layska kiciyo.

Gabaygan waxuu tiriyey markii u dhamaaday dagalkii lagula jirey Taliskii Siyaad Barre ee xoriyad la soo noqoshada Soomaaliland . Sida laga dhadhansankaro gabayga ,waxuu shiikhu dadka ku waaninaayey inay joojiyaan duulaanka, Dilka iyo dhaqan xumada .
Gabaygan waxaan ka qoray macalin Jaamac Cismaan Guuleed oo ii sheegay in la yidhaahdo Dardaaran,waana gabaygii ugu dambeeyey ee uu tiriyo shiikhu Alla ha u naxariistee :

Dardaaran

Indhaweydba gabay daawasho leh, daanka kuma hayne
Dariiqiisu waa iga xidhmay, daana ways idhiye
Dibnahaygu kuma tiilanayn, dunida faalleeye
Ee mid yaro I daaraa qalbigu, doonayaa mariye.

Haday laba dabbaal wada gashoo, duunka ka heshiiso
Dantaydiyo dantaadaba an wado, dawgu waa yahaye
Midna daadi midna soo dab geli taa ha laga daayo.

Anigaa dadkaba u talinayee, cidina yay doodin
Waxaan uga dan leeyahay nin kale, yuu dankaadhiyine
Hadalkay damqaayee yaan la odhan taa ha laga daayo.

Dibindaabyo iigama baqdaan, dil iyo laystaane
Degaankayga kuma dhiiran karo, deriska ii dhowe
Wixii daganse waan boobayaa taa ha laga daayo.

Doob reer u weyn baan ahoo, diray adowgiiye
Degta reerka kuma ciillani, iyo daaqa xoolahae
Delebkiyo khamaarkaan jeclahay taa ha laga daayo.

Darmaan reer u dhalataan ahoo, diirran oo wacane
Meeshii la ii dirona waan, daayac tirayaaye
Debedaase kama maarmi karo taa ha laga daayo.

Deeq iyo wanaag waan jeclahay, aad igu durduurtaane
Waa derejo aakhiro, iyo deyn idiin maqane
Anse gacanta waan duubayaa taa ha laga daayo.

Diintiyo dariiqada wadaad, daadiyaan ahaye
Waagii dilaacaba sharcaan, dacalka haystaaye
Dembina waan ku faalloonayaa taa ha laga daayo.

Meel laysku dilay waxan noqdaa dawlis nabadeede
Labadii is daakhilana waan, kala dareershaa
Dagaalkiyo fidnada waa jeclahay taa ha laga daayo.

Duxi iyo dureemada, iyo daranta gaagaaban
Duur iyo galool kaymihii, door ahaa lumey e
Idihii daruurta u ekaa, dulin madoobeeye
Dayr iyo xagaa ceelashaa, laga duraabaayo
Danbarkeedu waa nabada oo, la isla daaqaaye
Dari maysid, degi maysid bay, belo ka duushaaye
Dulmigaynu wada geysanaa, daanwalba u mudhaye
Dibindaabyo soo korodhay ee taa ha laga daayo.

Daarood iyo Isaaq Waxaynu nahay, duul walaalo ahe
Duullaan wixii laysku galay dooxatiyo weerar
Waa tii la duudsiyey wixii laysku daabulaye
Waa duni rag joogoo wanaag laga deyaayaaye
Duulaan dambaan kicinayaa taa ha laga daayo.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com