Q O R A A L

 

 

 

Dardaaran

Wadaadyohow

Dhiillada Shirshore

Gaanka laba Yoonis

Ciidan kugu biirin

 Deyso maradaada

Ammaan gabadh.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 
Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)

  HJ - Biciide- Baho

Somali Poetry

Ammaan gabdheed

 Waxaan gabaygan  ka soo qoray Axmed Faarax (Nowle)  iyo Moxamed Jaamac Adeerre 31/12/2011. Waxay ii sheegeen in  Xaflad aroos lagu Weydiiyey (IHN) Aw Cabdi  inuu gabdhaha wax ka sheego sida uu ragga wax badan gabayo uga tiriyey gaar ahaan dhalin yarada. Ka dibna wuxuu Aw Cabdi yidhi;

Mid adduunyo la siistay,
Geela Ayriyo Laan,
Idaa qoorta madow,
Iyo aadh lacageed
Oo marna sii oroda
Marna soo orodaa
Ooridaa ba'day maaha!

Idifleyda tima xun,
Sanka soo urursan,
Ilka raarata maaha!

Waysla aydin yarowo,
Ilmahaan ka korayne,
Urufta gaabaanna maaha!

Aflabbooddada waalan,
Asaraar iyo been,
Aroor kuula baxda,
Inkaartaa kulul maaha!

Indhahaa ka naxoo
Uurku waa ka didaa,
Aswadka maaha madow!

Midaan Awrka dabranayn,
Unug cawsa lahayn,
Adhiga maali aqoon,
Iska nooshana maaha!

Midda uurka dabtaan,
Arxan kuugu maqnayn,
Abeesay noqotaaye
Alla gowracda maaha!

Abidkeed midaan naaxin,
Abaalkay bi'isaaye,
Ul ka dhuubanta maaha!

Dadkaa aan ururshey,
Haddii aanay ahayn,
Usha laysku dhufto,
Ereyga laysku xumeeyo,
Anfaca laysku yareeyo,
Arradku waa ka mamnuuc,
Aydintaa golajooga,
Aloos-qaadka maryaa,
Inantaa waad u bogtaa!

Ciridkaa tukh madow ah,
Ilkahaa isku toosan,
siraad weeye ifaaya,
Isimkayga wadaad baa,
Ilaahay igu sheegayoo
Ammaantooda gabdhaa,
Kuma sii ishtihaadee,
Haddii aan in yar dhaafo
Eed la iigama sheego.
 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com