Q O R A A L

 

 

Dardaaran

Wadaadyohow

 Dhiillada Shirshore

Gaanka laba Yonis

Ciidan kugu biirin

Deyso maradada

 Ammaan gabadh.

 

 

 

 Aw Cabdi Muuse Max'd

(1911 - 1999)

  HJ - Biciide- Baho

Somali Poetry


Gabaygan inta kooban aan ka helnay wuxuu Aw Cabdi Muuse u mariyey Walaakii Cali Muuse oo ka guurey Ceel-Afweyn una doogsin raacay Laascaanood deegaanka ku xeeran. Inkastoo Aw Cabdi uga digay walaalkiis inaanu oosha ka fogaan misana Cali waa ka dhega adaygay oo reerkii iyo xoolihiiba wuxuu u raray deegaankaa aan soo sheegnay.

Cali oo aan ciidan ama ool kale oon badnayni la socon waxa lagu cidhiidhyey biyihii iyo baadkii mararka qaarna looba diidey inuu xoolaha waraabsado. Warkii Cali markuu Ceelafweyn soo gaadhay ayuu walaalkiis Aw Cabdi tixdan u mariyey;



Cidijiid markaad gaadho iyo, Coonka kodadiisa
Kolka ceel shisheeyuhu qabsaday, lagugu caansiirsho
Ma Idaha ciyaaya iyo riyaa, ciidan noqonaaya?
Mise Awrta caymaha siddaa, qori cabaynaysa ?
Mise gabadh cishii lala tegaa, culuqtan keenaysa ?
Mise Cali Abaar iyo haween, baad coliyo beel moodi?
Mise duul calaacal u dhashaa, ciidan kugu biirin ?
Ilma Caga-Madoobaa yaqaan, cayn rag loo galo e
Mise Ceel-Afweynkaad nacdaa, cadhadu kuu keeni?
Sida camalku kaa yahay ayaa caawa ila jooga!!!!

 

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com