Q O R A A L

 

Aw Cabdi Muse Max'd
(1911 - 1999)
HJ - Biciide- Faarax Biciide - Baho

Somali Poetry


Wadaadyahow


Gabaygan waxaa si kaftan ah u mariyey Allah ha naxariistee axmed Jaamac Moxamed. Wuxuu u mariyey ina adeerkii Aw cabdi Muuse Maxamed Allah ha u naxriistee .


Waxaa beryihii hore dhaqan ahaan jirey maamuus ay leeyihiin wadaadadu oo aan wax hawl ah loo diran jirin. Hadaba waxaa dhacday in beeshii guurtey oo Karamaan dhulka la yidhaahdo oo
aan ood lahayn degtey . Wadaadkii Aw Cabdi inta geed hadh leh gogol loo geeyey ayuu iska seexday ragii kalena waxay ka hawl galeen ood rar lagu sameeyo xeryaha xoolaha.


Waayadii hore Wadaaddada waxaa loo dirsan jirey :
- Meherka
- Dhaxalka
- Qardhaasaha
- Casharka
- Dhigista Qur'aanka
- Xaqida qoomaha
- Abaabulka Alla-bariga iyo roob-doonta


Markii hawshii dhamaatay ayaa Axmed Jaamac (Daad) tixdan inta kooban aan ka helna uu u mariyey Aw Cabdi:


Wadaadyahow adigaan wax tarin, weysa dhicintaada
Hadba reerka waayuhu ku yamid, wegentablayntaada
Xeedhyaha laguu soo weliyo, weef ka gelintaada
Widhiidhigii ku soo hadhay, iyo weliba sii eegga
Kolkaad dhereg la weelbaahiso, wiil yar diradkaaga
Kolkaad jeexa weysada la xuli, daba wahleyntaada
Kolka aad sabeenaha wadwadi socod wanagaaga
Ninkii adiga wiig kaa qabsada wig iska siintaada.


Aw cabdi yaa tixdan ugu jawaab celiyey Axmed Jaamac Daad

Kolka reerka waayuhu ku yamid, weliyo doonkaaga
Wadaadkii xagee maray guryaha, kula wareegaaga
Sidaad wiilashaydii tihiin, ii wadwadadkiinna
Xeedhyaha la iisoo weliyo, ila wadaaggiina
Faataxada goortaan wadwado, iyo weliba aamiinta
Calaacalo waraabaha ka weyn wadhi ogaantiina.

______________________________

Waxa ku deeqay: Jaamac Cabdi Muuse (jamamuse@hotmail.com)

 

 

 

 

 

 

 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com