QORAAL
Maad is dhiibtaan
Maagista u daaya
Maalintii Tarar
Bal astee
 
 
 
 
 
 
 

Warsame "Qoob-Adhiile"  & Cige Jaamac (HA)

 

PART I
Labada abwaan oo isku deegaan ka soo jeedaa waxay ka mid ahaayeen abwaannada ugu magacweyn deegaannada Woqooyiga iyo guban ee Gobolka Hargeysa. Labadan abwaan waxa dhex martay silsilad-suugaameed muddo socotay oo ay isu jareexaynayn Jireen Labada jufo ee ay ka soo jeedaan. Cige wuxuu ka dhashay beesha Reer Xaamud halka Warsame Qoobadhiilena ka soo jeeday beesha Bah Gobo oo labaduba ka tirsan tol-weynaha Sacad Muuse (HA).

Silsiladdan oo socotay intii u dhaxaysay dagaalladii 1aad iyo 2aad ee dunida waxay salka ku haysay xurguf labada reer muddo u dhaxaysay.

Gabayga koowaad wuxuu ku bilaabmay laba nin oo labada jilib kala ah oo sac midkood lahaa uu kan kale bawdada ka jebiyey oo uu dhaawacii u dhintay. Ninkaas oo Maxamed Gubadle la odhan jirey oo Bah Gobo ahaa markuu dhaawadmay ayaa reer Xaamudku yidhaahdeen ninka Agabar ha u qaadina jidkuu ku qudhmayaaye aan halkan ku baxnaaninno taas oo ay Bah Gobo diidday.

Reer Xaamud markii magtii loo soo doontay way diideen oo yidhaahdeen Xoog iyo xafiis oo nagu xukuma mooyee mag dhiibi mayno. Markaas ayaa Warsame (Bah Gobo) soo gabyey oo yidhi;

Dayax iyo daruuraha hadday, kala dhex duukayso
Sida haadka duulaaya, hadday wada dayuurowdo
Daf hadaad tidhaahdaan wabiga, doosha lagu dhaafo
Dalka xabashiyeed iyo hadday, digo ka eedaanto

Daaraha Mareexaan haddii, deeqa lagu oodo
Oo Dir iyo Daarood kulmoo, dayrna lagu meersho
Doonyaha hadaad halabsataan, Dubay u dhoofaya
Dakadaha cadmeed iyo haddii, macala loo dayro

Inta labada duubi ee Bah Gobo, Maxamad doonayso
Danabkii madoobaa intuu, jiifo degelkiinna
Gurigaad degtaan idinka oon, nabad ku daaqaynin
Duhur maa iska dhiibtaan xaqii kugu daliilowye.


Cige Dameer ayaa tixdaas ka jawaabay oo yidhi;

Dood waxaan ka naqay xaajaduu, dala'u noo keenay
Dood kalena waa aniga iyo, duuni hadalkayga

Dayax iyo daruuraha tukaha, duulay tagi waaye
Dabayshuna ma gaadhee qofyahow, daa'imaa tahaye
Dad ku xiga haddaad leedahaan, lagugu daayeene
Duuflaal sidiisii, adaw yidhi dabuutaase
Deelqaaf ninkii tiri yidhaa, haatan lagu diidye

Dood kalena waa aniga iyo, duuni hadalkayga
Kolkaad diriq dhabayseen adigoo, Maxamad doonaaya
Daba Goroyo iyo waxaanu niil, dacalka dhoomaaye
Duleedkiina iyo kaayagay, dabac ka fooftaaye
Waataa dambeeddada la maray, dayrcadkaan dhaqaye
Daanshoodka waa kaa durduro, dilaya naylaaye
Garbadii dalooshiyo ildheer, buu dilaacsadaye
Waa taan Ballaadh dacal ka furay, dayrtan maanta ahe
Dadkuna waa ogaa maalintaan, dagayay meeshaase
Goortaan dagaal eegayay,baad deeq na barideen e
Waa doobta caanaha waxaad, naga dul joogtaan e
Anaguna anfaca waa dillaa, kaaga dowdabay e
Maaraha digtiisaa qalbigu, indinka duubmaay e
Waa bahal dil uun loo sitaa, oo doqoni waydaaye
Darandoori dhowr jeer hadduu, rag iska dayn waayay
Sidaydaa ninkii loo damcay, ayaa diir libaaxla ah e
Dooy iyo Bombaasona ma gayn, Dig iyo meel dheere
Dafna wabiga beeshay ma odhan, doosha loo dhigay e
Hadaad doono leedahay arliga, igamaad .......
Dambi badanidee wadanahaa, laga dambeeyaay e.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.