QORAAL
Maad is dhiibtaan
Maagista u daaya
Maalintii Tarar
Bal astee
 
 
 
 
 
 
 

Warsame "Qoob-Adhiile"  & Cige Jaamac (HA)

  PART III

Warsame Qoob-Adhiile ayaa gabaygii Cige ka jawaabay asagoo xasuusinaya sida beelaha agahooda yaallaa ay uga wada maroorsadeen, ayaguna aysan sidaasoo kale damacsan yihiin.

Reer iidle waa kuwii ku miray, sida mahiigaane
Miiska iyo riyihii waa kuwii, kaa maroorsadaye
Waatanad idahan miidhan iyo, maali jirin geele
Waatanad magan iyo lahayn, meel la jiifsado
Abidkiinba miidaan la'aan baad u madhataane
.

Cige Dameer oo arrinkaas wuxuu uga jawaabay gabaygan Warsame soo xasuusinaya goobo badan oo ay Baho Gobo ku wiiqeen uuna tusaale u soo qaadnayo goobtii Tarar la baxday ee labada jilib isku haleeleen:

Maaweelo gabay waanigii, maahir ku ahaaye
Macnaheeda waataan iqiin, Maxamad Nuurowe
Waxaan kaga murba'ay xaajadii, muranka wallayde
Bal I maqal tixdaan marinayeen miinka ka higaadshay.

Midhicir daatay, maydkoo batay, iyo miidho ololkeeda
Madaafiic dhacaysiyo dabkoo,la isku miisaayo
Abidkiinba reer aad mirteen, lagama mawlayne

Waxa lagugu miiraa dagaal, meel aad joogtaba'e
Miidaan la'aan naagahaan, meella galihayne
Marsin oodan wixii jiidhayaa, mala rag weeyaane

Madhiinka aniga oo sitoo, murug taxaabaaya
Malaha heegankayguna ku muday, maahir oon wadoe
Mahiigaanka gaaska ah markaan, kugu madoobeeyay

Een maraq-caskiinii la tegey, maraqu laallaaday
Muruq miyay iga dhacay raganimaan, kaaga moobiyaye
Mise midho qalaad ood cuntaybaa, meel ku galinaaya
Marag hadaad I waydiina waa maalintii Tarar e.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.