QORAAL
Maad is dhiibtaan
Maagista u daaya
Maalintii Tarar
Bal astee
 
 
 
 
 
 
 

Warsame "Qoob-Adhiile"  & Cige Jaamac (HA)

  Part II

Qaybtan labaad waxa ka ku soo laabtay Warsame Qoob-Adhiile oo aanu magaciisoo buuxaa na soo gaadhin. Warsame oonnu erayadan kooban ka helnay gabaygiisii dheeraa, wuxu lee yahay kolleyba magta waad bixin oo waa muran la'aan ee maxaa lagaga daali. Soo dhammee gabayga.

Mudhka jarar, marxaladii Biji, iyo malabkii laasdhuure
Idinka oon dhulkii dib u marayn, muramahaw daaya
Inuu ina Shabeel malaggan dhigay, muramahaw daaya
Anigoo kolay kaa magdhabi, muramaha u daaya


Cige Dameer ayaa ku jawaabay gabaygan soo socota ee la magac baxday "Maagista u daaya"

Mirir, iyo Magaadoole, iyo malabkii laasdhuure
Malkadii Buqeed iyo halkay, miidho ka cabbaysay
Udubkaan sidii maalinguur, kaa mudhbixinaayay

Nina ima mahiibsiin dhulkaan, mariyay reeraaye
Anoon magan xigaalkaa ahayn, maagista u daaya
Wanka madaxa waynliyo Iduhu, mulug rag weeyaane

Ma maroorsanine geelu waa, mulug xalaaleed
Maalkaa ilaah noo dhaqaad, murug ka qaadeene
Anagoon dagaal maarsanayn maagita u daaya.

Daarjiraha kugu maaranbaad, muruq ka roontiine
Iyagaydun miidhaan markaad, midigta qaaddaane
Maalintii dixdaba waan ogaa, saad u mudanteene

Muslinkuba mayeeleen sidaad, ugu maleegteene
Maadhiinka aniga oo sitoo, midigta kaa jooga
Oo madaxa kaa toogan kara, maagista u daaya.

Inta cadaygu meeshaa ku yaal, waa manfacataane
Miiribaad cunaysaan haddaad, meherad leediine
Sunta geela lagu meeriyo, ee kuraygu maadaysto

Kolka dirirta mayd badan go'ee, mudhana loo guuro
Malyuun iyo lag keenoo markaan, rag isla maandhaafno
Annagoo mildhaawaha aqoon, maagita u daaya.

Macmacaanka madasheedu waa, lagama maarmaane
Adigoo magaalada muraad, culus ka miidaaya
Malkadii anoo kuu fadhiya maagita u daaya.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.