QORAAL
Maad is dhiibtaan
Maagista u daaya
Maalintii Tarar
Bal astee
 
 
 
 
 
 
 

Warsame "Qoob-Adhiile"  & Cige Jaamac (HA)

  Part IV

Warsame ayaa gabay kale oo aannaan wada hayn soo diray oo uu ku tilmaamayo in Reer Xaamud ay baqeen oo dhulkiiba ka qaxeen. Gabaygaas waxa ku jirtay (Soo dhammaystir);

Afar iyo tobnaadkii markii, adhigu guuraayay
Toobadda iyo ashahaadada markaad ka anfariiraysay.


Niman badan oo Ismaaciil Jibriil iyo Nuux Ismaaciilba leh oo gaadhaya 300 ayaa waxa la weriyey inay ku soo beegmeen beesha Reer Xaamud. Reer Xaamudkii colkii meesha marayey waa marti sooreen geel aad u badanna waa u qaleen. Nimankii la sooryeeyey oo ka war haya arrinka dhexyaal Reer Xaamud iyo Bah Gobo ayaa yidhi"Ilmaadeerayaalow intan aad nagu sooryeyseen baa magta dhadhaweyn lahaaye maad ku bixisaan". Reer Xaamudna wuxu ku jawaabay inaan mag lagu lahayn ayaguna ay yihiin marti waajibkii martidu lahaydna ay mariyeen. Cige ayaa markaas gabyey oo yidhi asagoo Warsamena gabaygiisa kore uga jawaabaya:

Afar iyo tobnaadkii markaan, ku ashqaraarsiyay
Ismaaciil Jibriil maalintuu, umal wareeraayay
Xasan maalintuu ooyayay, ee aamus laga waayay

Ergadiina maantaan ul iyo, aabi kala daalay
Ashahaadda wuu buxiyaa, oo oday dhan weeyaane
Arbow ina Xergeeyaa ogaa, iginbil kaygiiye

Adyad baanistaydii wixaan, adiga kuu gaystay
Afka Qabile iyo maalintii aad, adadixii fuushay
Eed oomanaantii biyaha, soo ag mari wayday
Itaalkayga iyo maalintaad, aragtay xooggayga

Ilaahbaaban ku dhaariyay, iyo ulognaheeniye
Kol hadaad akhyaar tahay ,runtaa la intifaacaaye
Udbahaan ka guuray iyo markaad, shidatay oodayda
Bal astee ardaagaad fadhiday iyo araddadaad joogtay.

 
 
Ma haysaa gabayo qoraal ah ama kuwo duuban oo aan halkan ku jirin amase naga qabyo ah? Hoygasuugaantu wuxuu hayaa qiyaasta 240 Cajaladood oo gabayo ah. Waxaanu diyaar u nahay inaan
<>1 Cajalad kuugu beddelo 5 Cajaladood oo aad doorato.
<>1 Gabay Qoraalna 5 gabay.