Dirir Warsame

   |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Muslinnimo
Toljecluhu
Karin gubay










 
 
 
 
  Dirir Warsame (Daba-Caydh), HJ, Yesif

Dirir Warsame ninka la odhan jirey wuxu allah ha u naxariistee gabaygan kaga jawaabayey gabay uu ninkii Ina Cabdalla Xasan la odhan jirey ku aflagaaddeeyey reer Sheekh Isaxaaq oo ay erayadiisa ka mid ahaayeen.

Iidoor wagaashiye iyo kufriga wacad Allaw yaalle
Waa niman walaalo ah taniyo waaga aakharo'e


Ina Cabdalla Xasan oo nacaybkii Isaaq u god galay wuxuu ku eedaynayaa Isaaqa inay gaalo ka raaceen laakiin wuxuu iska indha tiray xaqiiqda waagaas jirtey oo ahayd in Daarood 3 gaal la socday (Ingiriis, Talyaani iyo Xabasho). Talyaanigu wuxu Majeerteenka ugu deeqay Hub badan oo ay Hawiye ku muquuniyeen waagaas.
Gabaygaas Ina Cabdalla Xasan waxa kale oo ka jawaabay Cali Jaamac Haabiil iyo Salaan Carrabey.
Wuxu yidhi Dirir Warsame

Madi Carata maqasheeda koris minaw-san baa dhaanta
Mataan lidiqa laas miilo leh yaa mitimis dhaama
Marwo Camal xun maangaab ninkeed maqasha baa dhaanta
Xididkaan murwaad lagu ogeyn malihi baa dhaanta
muslinnimo nimaan kuula socon muuminnimo khaas ah
Gaal maxasta kuu dhawra ood magansataa dhaanta


 
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com