Toljecluhu ninkii maag is yidhi waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahay, ee muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad midigta maw saarnay

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Muslinnimo
Toljecluhu
Karin gubay
 

DIRIR WARSAME (HJ)
Yoonis Ibraahim oo ahaa Caaqil Reer Daahir ah ayaa Reer Caynaanshe ku baxay taasoo keentay colaad sokeeye. Gabaygan wuxu Dirir Warsame ka tirinayaa dagaal lagu qaaday beelihii ninka dilay;

Geelaa Dixaa miranayeen lagu mannaagaynin
Eed midabka mara Suuli ah iyo macawis aad mooddo
Ninna kama maqnaadeen haddaan Maylka loo tumanne
.. Mayl=Waran

Waxa Ciisa Muusaha makalay muhashadiisiiye
Qoyan waxay maraaraha u kori waa miciin li'iye
Mergiyada kuwii lagu jaraa muusannow dhigaye

Burcona moosin iyo bay ahayd malabki doocaane
Ma maggaabiyaan reer Xirsigu oo waa laysku mawtiyi'e
Nimankii makaawiga ahaa miidha reer Sugulle
Miyateyn miyaa laga makalay wada maraakiiba

Nabadii mishiiqsiga ahayd ma u macaaneeyey
Ma maroodigii baa arlada midab kaluu yeeshay
Miyaa muusannowgii ku baxay Yoonis magiciisa

Toljecluhu ninkii maag is yidhi waa muslimiyaaye
Mijahaa Isaaq siman yahay, ee muruq u roonaaye
Giddi Habar Magaadleba colaad midigta maw saarray

 

 
   
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com