Dirir Warsame

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Muslinnimo
Toljecluhu
Karin gubay
Afeef: Gabayada boggan qaarkood waxay ka hadlayaan dagaallo ahliya oo waa hore dhex martay Saadada dhexdeeda. Hoyga Suugaantu wuxu ka afeefanayaa in soo bandhigista suugaanta noocan ahi aysan xanbaarsanayn in la soo noleeyo cawaannimadii inna wiil iyo walaal tirtay balse looga jeedo inaynu ku wacdi qaadano dhibaatada colaadda sokeeye leedahay. Dhacdooyinka ku saabsan dagaallada sokeeye waxa laga yaabaa inay dhinac u janjeedhaan amase aannaan helin suugaanta dhinaca kale. Fadlan nala soo xidhiidh haddaad u aragto inay soo gudbinta suugaanta noocan ahi si khaldan kuugu muuqato.
  Gubiddii Magaalada Karin (1871)
Colaaddaha sokeeye ee geyigeenna ka dhacay kuwa ugu culus waxa ka mid ahaa tii dhex martay reeraha walaalaha ah ee Yeesif iyo Aadam Madoobe. Colaaddani waxay kuwa kale kaga sheeggan tahay iyadoo socotey muddo 50 Sannadood ku dhow isla markaan dadka iyo maalka ku lumay ka sokow ay ku naafatay xadaarad dheer oo labadaa reer ku lahaayeen xeebaha badda cas ee magaalada Berbera bariga ka xiga oo waagaas ahaa kuwo la tartama malkada Saaxil. Waxay labada reer ka mid ahaayeen reerihii Somalida ugu xaddaarad horreeyey oo iyadoo Somalida qaarkood qaawan yihiin oo weli Dhuu' miskaha ku qarshaan iyagu lahaa Doonyo isaga goosha africa, Carabta illaa Hindiya. Colaaddani waxa sida aan ku qiyaasay ay bilaabantay illaa 1830-yadii waxayna keentay in labada reerba isku baaba'aan ayna ka soo barakacaan dhulkii, magaalooyinkii iyo maalkii ay lahaayeen.
Magaalada Karin iyo marsoonyinka ku xeeran ee Siyaara, conqor, laasmuuse, ruguuda iyo shalcaw waxay qarniyadii 16,17, 18 iyo 19aad ahayd baro ganacsi oo doonyaha shixnadani galaa baxaan.

Beesha Yeesif Maxamed waxay ku amarkutaaglayn jireen magaalada Karin oo ahayd magaalo ay ka taliyaan lehna irrid (gate) laga galo si ay u kontoroolaan magaalada waxa soo gelaya iyo waxa ka baxayaba. Waxa la sheegaa in gate-ka magaalada ay horraantii 1830-kii ku sawirnaan jireen laba xiniinyood oo ay ujeeddada ka danbaysaa ahayd in markaad soo geleyso magaalada Yeesif aad ragannimadaada bannaanka kaga timaaddo si aad u ammaan hesho. Waxa taariikhyahannada qaar u badiyaan in Beesha NUUX oo markaa isku duubnayd ay farriintaasi si gaara ugu socotey ayadoo aan loo ogolayn in ay habeenkii ku negaadaan magaalada Karin.
Waxa la sheegaa in gabadh Reer Dood (HJ) ah uu guursaday nin Yeesif ahi. Sida la sheegay waxa gabadha jeclaa nin Aadan Madoobe ah oo markii gabadhii la soo gelbinayey intuu tolkii u yimi ku yidhi "Haddaan ninkaa layga barbar gelbin xiniinyahaan is goynayaa". Tolkii markii ay xaqiiqsadeen in wiilka ay arrintu dhab ka tahay ayay u badheedheen Yeesif oo maalin cad magliga rabiyeen ninkii arooska ahaa gabadhiina ninkii damciyey loo dhisay. Halkaas waxa ka bilaabantay dagaal sokeeye oo labada qoloba ku riiqdeen oo aan waxba laysu hanbayn. Waxa kaloo la sheegaa in gabadhii beladu ka dhacday wiilkii ay ayeeyada u ahayd dagaalka ka qayb galay.

Aadan Madoobe oo lib haya ayaa 1871-1872 19 nin oo Baxri ah lagaga dilay doonni ay saarnaayeen. Waxa Aadan Madoobe u cid dirtay wixii ciidan oogo kaga maqnaa si raggaa loogu aaro. Markii ciidankii la dumay ee ay diyaagaroobeen ayuu Maxamed Abokor Ismaaciil oo "Qaaje Gurey" ku magac dheeraa isla markaana ahaa ninka u taliya Aadan Madoobe ayaa Aadan Madoobe doorransiinyey 3 arrimood oo kala ah
1. In ay magaalada Karin oo markaa HJ badani joogto laakiin Yeesif u badan yahay ay dagaal geliyaan iyagoon u aaba yeelayn cidna halkaasna gabadhoodu ku guur beesho.
2. Inay magaalada isku gadaamaan ka dibna naadiyaan in wixii aan Yeesif ahayni iskaga baxaan magaalada.
3. Inay dabka iyo ragga guryahoodii u kala diraan oo baqdaan.

Aadan Madoobe wuxu go'aansaday in magaalada la isku gedaamo wixii aan reerka loo danleeyahay ahayna ay ka baxaan. Markii ciidankii iyo Saanaddii Aadan Madoobe magaalada dul timi ayaa HJ-dii kale dheg u jalaqsiin weydey inay ka baxaan magaalada halkaasna waxa ka dhacay dagaalkii u danbeeyey ee labada beelood dhexmara. Aadan Madoobe magaaladii waa gubeen laakiin ma libaysanoo HJ badan ayaa ka hiilisay taasaana sababtay inay magaaladii gubaan hayeeshee aysan libaysan oo rag laga laayo.
Dirir Warsame oo ahaa afmaal Yeesif ah ayaa dul yimi nin Haliil la odhan jirey oo Ciidankii Aadan Madoobe laga qabtay. Gabaygani oo mid naxdin leh wuxu Dirir dareensiinayaa ninka la qabtay in geerida khayrkii la qabo isagoo farriin u sii faraya raggii ku le'day oo ay ugu horreeyaan timacaddii Yeesif ee iyagaba aan loo nixin ee dagaalka ku riiqatay. Gabaygu ma dhamma balse akhristoow waxad mooddaa in markaad gabaygan siiqdiisa eegto in uu Ina Cabdulle Xasan dheegtey markuu Richard Corfield dilkiisii ka gabyayey in ka badan 30 sannadood ka dib.


Haliiloow geddoontaye haddaad aakhiro u guurto
Waxba hays galluubine ragbaad garabsanaysaaye
Haddaad guurtidii Yeesif iyo odayadii gaadho
Karin gubay annana goosannoo nala gumaadyeey dheh
Gadaboursi iyo baa na helay gacan Ogaadeen dheh
Sidii gaaladii bay warmaa nagu garaaceen dheh

 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com