Qoraal (Written)

 

Daraawiish

T a f a d h i i g

Xogtay maqashay

Dariqada Axmediya

Mataan Ciideed

Hooyaalayeey 

S o o c a n e

Habar Yoonis

Alif-yeen

  More

  More

  More

 

 
     
 
Maqal (Audio)

  More

  More

  More

  More

  More

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Aadan Axmed Dubbe "Gabayxoog"

 

 
 

  Habar Yoonis, Sacad Yoonis

  

 
Gabaygan wuxuu Aadan Gabayxoog (AHUN) ka soo tiriyey Cadan markii la dilay Mataan Ciideedkii Ugaadeen. Markii gabaygaasi ciid gaadhay ayadoon weli loo aarin Mataan ayaa Mataan walaashiis laga soo weriyey "Go'e anigiyo ninkaa Iidoor buu Mataan meel naga wada joogaa". Gabaygu inta waa ka dheeraaye bal inta ka maqan noo soo dawi!


Gooshaashka dhow bay safruhu, gelin baxaayaane
Garduur nimanka tegayoow farriin, gaaban iga geeya
Nimanbaa Mataan gowracoon, geed xadhaadh bixine
Ma gaadine gadiid maalinay, gabax ka siiyeene
Gadhka dhiigga waxay ugu dareen talo ay gooyeene.

Geyi lagu dhaxaabuu ahaa, geed ay jebiyeene
Anba waan galiilyoonayaa, garashadiisiiye
Alla gaariduu qabayna sow teer, ganba cad maaha
Haddayse geeri kaga yaabayaan, garan ma saareene
Goblanyaye muxuu Yuusuf xoday gool u qalan waayey
Galliin lagama roonee muxuu gaas u bixin waayey..

Gabayxoog wuxuu isla dilkii Mataan ka tiriyey gabay laba eray naga soo gaadheen oo ah kan nimankii u aaray Mataan ay ka jawaabayaan;

Wuxuunbuu kirkiri baan lahaa Raabbi keligiiye
Kebesh wan ah miyaa sow Mataan loo kaftami maayo.


Markii gabaygaasi guryo yimi ee Mataan loo aaray ayaa nimankii Mataan ka dhashay ku gabyeen

Kufoow Ina Dubbaa nagu kashifay kooski Cadan weyne
Hadalkii na soo wada karyoo kuu na yidhi yeelnay


Markaas ayaa Mataan loogu aaray Cali Dhan oo ahaa ninkii dilay.

Waxa ku deeqay: Axmed Iid

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com