Deggane Maxamedow waxaynu nahay ul iyo diirkeede
Dadka kale ha joogee adaan iga digtoonayne
Raggiinii dariiqada ka yimid durug warkiisiiye
 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Taariikh  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Daraawiish

T a f a d h i i g

Xogtay maqashay

Dariqada Axmediya

Mataan Ciideed

Hooyaalayeey 

S o o c a n e

Habar Yoonis

Alif-yeen










 
 

Aadan Axmed Dubbe "Gabayxoog", (HY)
Gabayxoog wuxuu ahaa abwaan weyn oo ka mid ahaa rag Ashraafta reer Sh isaxaaq ah oo ku sirmay khiyaamadii iyo beentii wadaad-ku sheegii waalnaa. Wadaaad-ku sheegga wajaqsanaa wuxu ahaa ruux shaqsiyadiisa liitiga ah isku deyi jirey inuu ku qariyo hadal aan uurka ka jirin oo ay diinu ugu horrayso. Himiladii wadaad-ku sheegu goortay shaac baxday waatii inta loo cudud sheegtay uu cararkii ugu baqtiyey iimey iyo arlo Caruuso.
Gabayxoog wuxu gabayga marshey intaanu ogaan tabahii nikaas ee munaafaqnimada, cadaawadda,
fusuqa, fuxshiga iyo fasahaadka ku dhisnaaa.

 

Awal maanso waa taan dabroo, daayey waayaha e
Ka da’weyni daandaansi, iyo diradirayntiiye
Waa layga wada doonayaa, doogsintaan baraye
Aan daleeyo caawana qalbigu, way dikrinayaaye

Deggane Maxamedow waxaynu nahay, ul iyo diirkeede
Dadka kale ha joogee adaan, iga digtoonayne
Raggiinii dariiqada ka yimid, durug warkiisiiye

Dunjigiisba waan wada jeclaa, degaha Reer Nuure
Wixii duub leh deris baanu nahay, iyo Daraawiishe
Sayid Maxamed dooduu I yidhi iyo, daabbada uu keenay

Waa ii soo duceeyaye Allow, darejadiis raaji
Midna waqaan Ilaah ugu darraan, labada daaroode
Muslin oo dhan baa diiq ku jirey, jeeruu daahiraye

Awliyada duushuu carshiga, kula dekeeyaaye
Ninba wuxuu debnaha ugu hayiyo, daarka iyo laabta
Daniguu gartaa waxa qalbiga, kaga dahsoonaaye

Kun halaad nin subax soo didshoo, duul u yimid siiyey
Oo aanay duntaa iyo la noqon, dibi la loogaayo
Deeq nin ugu faanaa ma jiro, Dir iyo Daaroode

Nin la diini kama soo if bixin, duniyadeenneere
Dirir Ferenji baa ugu badnaa, dab iyo baaruude
Isagiiba dabaq buu ku riday, duhur dharaareede

Dabar iyo hogaan buu ku xidhay, duluflahoodiiye
Dangaraaradii bay dhegihii, wada dilaaceene
Dogoble iyo ka kici ceelashay, wada degmaysteene

Burco kama dabaaldego wixii, dabada gaabnaaye
Nimankuu lasoo duulayoo, dab iyo reer siiyey
Diintii ka saar oo hadday, wada duloobeene

Doofaaradaasaa jihad lagu deyaayaaye
Dadow dirira loo kala dilaac, labada daamoode
Afartaa da’da intaan ku dhigay, daw ma ku hagaajay

Ma daliil dhaqsaday sida wadaad, deelka ka higaadshay
Dig ma yeedhshay sida danab cir dhacay, ama gu’ duulduulay
Duufaan ma soo riday siddii, diiqalyada xoomir

Ma dalleeyey sida doonyahoo, qalamigii duubay
Shiraacaan darmaanka ugu xidhay dakhalka maw buuxshay
Deebaanka maw soo qabtoo, ma u dabayl raacshay

Warsangali dariiqii ka baydh, daahirkii Nabiye
Sayid Maxamed deeqduu baxshay, bilo ku doogeene
Waxa dararta laga maalayaa, deebluhuu dhaqaye

Waa niman diihaal lagu korshiyo, gaalo daallima e
Dadna waxay ka doorteen kufriga, inay dillaalaane
Ha lagu duulo nimankaasi waa, debendebyoobeene

 

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com