|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |


Daraawiish

T a f a d h i i g

Xogtay maqashay

Dariqada Axmediya

Mataan Ciideed

Hooyaalayeey 

S o o c a n e

Habar Yoonis

Alif-yeen










 
 
Aadan Axmed dubbe (Gabayxoog) "HY"
 

Waxa la sheegay in ina cabdulle xasan dad oo dhan aflagaadeeyay gaalana ku
sheegay isagoo kusoo daray degmadii abwaankii weynaa ee Aadan Axmed dubbe
(Gabayxoog) oo ahayd degmada ceerigaabo markii abwaanku arintaas ogaaday
wuxuu tirshay gabaygan aadka u heer sarreeya ee intan laga hayo oo uu ku
tilmaamaayo in aanay arintaas waxba ka jirin, xaga diinteenna iyo cilmigana
ay iyagu ugu fiican yihiin.
Abwaanku wuxuu yidhi Alla haw naxariistee .

Dariiqada Axmediyaanu nahay eheladeediiyee,
afkana kama dhignoo jamacaan idilkii haynaayee,
Umuuru diinka waxaanu raacsanahay nabi ibraahiimee,
Gaalada ninkii nagu ismaa waanu na aqoonee,
Insha allaahu aakhiraba waysku arki doonaayee,


Ina cabdulle xasan markuu maqlay gabaygaas wuxuu ogaaday in xaqiiqadu ahayd
sida abwaanku sheegay wuxuuna abwaanka sida la tilmaamo u diray faras
hadiyad ah.

Waxa ku deeqay  Ahmed iid - JazaakaLaah

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com