|   Home  |  GabayoMaqalAbwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Deyn-Qaad
Dhawaaq
Ma illoowdey
Ilaahay ka bari
 










 
 
 
 
  Guba

JAAMAC XIRSI GUULEED "INA DUBE", (HY) 1900-1978

Gabaygii Ina Dube uu u tiriyay Cali Dhuux maalin sadexaadkii marku Cali tiriyay gabaygisii Deleb, jawaabti gabaygaa waxa loo bixiyay "Deyn Qaad".

Deyn qaadka gabay waa xun yahay dira diraaluhuye
Duq gaboobay waxa u roon afkii inu daboolaaye
Marse haduu duleeddada ka ciyo waa darxumo weyne

Damenaanse Caliyaw rag waa laga dameeyaay
Darbo waxaad Islaan kula jirtoo dab isu dhiibtaaba
Dux ka guro dibnuun baad u dhiman duuga weligaaye

Dersi sidaanu nahay oo ciyoon lana duqeynaayo
Daandaansigaagii ka baday digada xoolaaye
Dacwiga jooji yaan eebahay dawdar kaa dhigine

Ninse dulmiyay Ogaadeen hadii cidi ka doonayso
Dunjigeeda Soomaalidaad ugu darnaydeene
Duuflaal wadaadkii noqdaa dawo ahaydeene

Idinba waataa dubaha Reer Subeer daan ku jabiseene
Idinkaa Dannood iyo ka hiray degeladoodiye
Daratoole iyo Faafan oo wada duraabaaya

Deegaanta Haradoo dhanbaa dacar ku deehdeene
Deex iyo madheedh kama baxaan gorayo daaqayne
Doogoo gabaabsiyey haadii dayrta la idlaysto

Laaskuu u dalandooliyaa daar ka dhigateene
Dixdii Qarandi waataa khalfado dab u samayseene
Dunbuqaa ka soo jeediseen loogu degi waaye

Dararkii Camuud baa shan mayl doho ka siiseene
Sidii daamur waatii Gargaar duuf ka soo uraye
Dhagaxii Mataan lagu dugsiyay deyrki lagu meershay

Warjeer aan daqiiqaha ka dhigay Doolo laga caagye
Wardheer baan diniin laga cabayn duraha jiilaale
Waataan wadaan qudha la darin toban diraacoode

Docnaba looma qoyn jeer aan degay Afmeerkiiye
Darandoori looguma horayn dararka Gaafawe
Dukaanada waxaa dhigay ragi dahay Wadaadkiiye

Waxanan ugu dabaal degay markaan helay dalleentaase
...Aan dirirka kakga qaaday kii dawlada ahaaye
Dooy iyo Doh Faafka iyo Dubuxulkaad sheegtay

Meesha iyo Dirkii Xaawa iyo Duudkii Nebi Aadan
Inaan jeesna naga daaqahayn daacadaa furiye
Denbi iyo xasarad baa Ilaah kuugu dawgalaye

Dariiqada Janada loo maraad dacal maraysaaye
Diintii Rasuulka iyo sharcigii baa lagaa dadaye
Nin dardaarnkii seegayoo doorsan baad tahhaye

Afartaa dawaarkii dharkoo dihin ma raacsiyay
Deelqaafku waa ba'an yahee daaqsin maw mariyay
Ma daliishay qawlkii runaa laabta kaa dega'e
Da'dii hadalka laga fiiriyay ee lana dareensiiyay
Ana kama duwine eray yar baan deelka ka higgaadsay

Daarood hadaad tahay ood hilbaha uga dubaaxayso
Guutada kolkuu Macallin Dool ugu dawaafaayay
Ee Aadan dooyada u waday damaca geelooda

Adna sidaa cir danabloo onkaday doobba karinaysay
Diric naaska nuuga iyo markii gabadh la dooxaayay
Dalbashada salaadii markii gaadhka lagu dayray

Dabkii lala dhacaayaa dheguu nala dilaaceene
Degmada Reer Amaadiin iyo Camar debec ma maalaane
Waxa CaabudWaaq laga didsaday kii dabrayn jiraye

Ku dulaste Awyaal intii ugu dan roonayde
Damal Haaje waataw waddeen duurkan oo kala'e
Daahyaale oo qudha maxaad ugu dallaabaysay
shaxda lama'degteen Reerhii cunay dugaagiiye
Hadba diilin lama jeexateen qoomki Reer Dalale
Doyaysi uma jiifsateen dahar ay waabeene
Waa nin Ilaah kuu sandahay, dumar sidiisiiye
Adna hadal wax buu soo duwaa, gabayga maad daysid
Afartaa dawaarkii dharkoo,dihin m raacsiyay
Deelqaafku waa ba'an yahee daaqsin maw mariyay
Ma daliishay qawlkii runaa laabta kaa dega'e
Da'dii halka laga fiiriyay ee lana dareensiiyay
Ana kama duwine eray yar baan deelka ka higgaadsay

Dagaalka iyo waa lagu ogaa duul shisheeya ahe
Iyaguba kun goor bay dunsheen dawlada Isaaqe
ragii saca danaaniyay baqaa daadshay qalabkooda

Ee aan isdeyin jeer oo hooris lagu daasshay
Eed qoodhha dogoblaw lahayd sidii dameer weyda
Waxaad tahay dabay cudur sidoo aan layska daadayne
Bal maxaa ka daran ceebhadii laysku dili waayo?
 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com