|   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |

 
Deyn-Qaad
Dhawaaq
Ma illoowdey
Ilaahay ka bari
 











 
 
Jaamc Xirsi Dubbe (HY)
 

Jaamac Xirsi oo uu abti u ahaa Koore Jaan ayaa caruurtiisii xanuun kaga dhacay. Wuxu arkay ooridiisii oo labadiisii wiil daryeelaysa iyo 2-daa gabdhood oo daryeelxumo ba'ani ka muuqato markaasuu ku canaantay isagoo leh "hablaha sida u dhaan ubadkayga mid i anfici doona Allaa oge". 2-dii  wiil ayaa idamka ilaahay dhintay markaasaa ooridiisii murugo ka bixi weydey oo dhalmadii deysey. Jaamac ayaa islaantii oon muddo dhalin ugu yeedhay wadaad Ogaadeena. Wadaadka diinta waxa u dheerayd isadoo ahaa nin wax garad ah. Wadaadkii wuxu Jaamac weydiiyey inuu gabyo taasoo uu Jaamac "Haa" ka celiyey. Wadaadkii wuxu yidhi 3 arrimood baan kugula talinayaa oo ah;
- Inaad gabay gabadha niyadeeda koru soo qaadaya u tiriso taasoo wax badan ka beddeli doonta.
- Inaad inta uga dhawaato
- Inaad u roonaato oo baanato
Sadddexda qodobba. Jaamac sidii buu yeelay gabadhiina idamka ilaahay waxay dhashay wiil waxana gabayga uu tirshey maalintaa naga soo gaadhay;

Asaxaabihii iyo la laa, ehelu khayrkiiye
La idlee anbiyadii horee, aaminka ahayde
Wedkii Aadan iyo Xaawa diley, kuma illaawaane

Agoomoobe naagii kal hore, aqalka weynaaye
Waataan Ashkiro loo hanbayn, innamadeediiye
Ardaagii Cawado Aadan wakaa agaardamane

Arboow Mixile waataad ogeyd, uubti loo qodaye
Akhyaartii tolkay waxa ka nool aaran fiiga ahe
Arki waayey reer Samatar Nuur, odayadiisii

Idiin baan sadqeeyey iyo Riyii, Aybaxda ahaaye
Astaanleyda gawracay habruu ku ag wareegaane
Aammiintu mawleysey iyo Eebbe kuu sahalye

Ajal madhatayse lama ooriyoo, waa af kala qaade
Haddaad olosho, ood olosho, oo awda demin weydo
Arki maysid labadii nin, eed ku asturnaydeene
Ilaahay ka bari innamo kale, ubadku waa buuxe


==================
Xirsi Dubbe wuxu la walaal ahaa Cali Bacalluul oo sheekada Bacalluul isqaaday ay ku soo baxday. Guuleed wuxu gabadh weydiistey Reer Guuleed Suldaankii CIidagale oo waagaas carrada ugu magac iyo mansabba roonaa. Guuleed wuxu dhalay Xirsi iyo Bacalluul. Bacalluul wuxu ahaa nin gaaban halka Xirsi ka ahaa nin qurxaani ah ragannimo badanna lkagu tuhmayey. Suldanadu waxay is lahayd gabadha Guuleed ka xoolo baxshey in Xirsi loo wado laakiin Xirsi wuxu isagoon cidna la tashan la tegey Xogla Aadan Abokor KooreJaan. Guuleed oon hore u magacaabin labadiisa wiil midkuu la rabo Ina Suldaan ayaa Bacaluul geeyey taasoo saluug weyn ku keentay Suldaanka

 
 
     
Copyright 2000 - 2002  HoygaSuugaanta.com