Q O R A A L

Arday& Macallin

Ninkagaa atorka

Ardaal Nacasa

Ruuxa kaa jari

Magacaygu waa

Hanfiyoow

Nin i luray

 

 Muxumad Liibaan Jadeer

S. Muuse - HA Ardaal Nacasa

Somali Poetry


Muxumad gabaygan wuxuu tiriyay kol ay dagaal qaadeen isaga iyo rag doorran oo ilmaadeertii ahaa oo geel qaad tagay. Geelii iyaga oo soo dhacay ayaa waxa dagaalkii lagu dilay Muxumad walaalkii iyo rag ay ilmadeeryihiin oo dhawra waxaana dilay col ka daba yimid hayeeshee geelii way lasoo tageen iyaguna rag badan bay laayeen. Muddo gaaban ka bacdi ayuu arkay mid reerka joogi jiray oo fulay ahaa oo nin jilayc ahaa oo kambalka tiiraanyaysan oo ka xasuusanaya ragii dhintay, iyo dumarkii ragii la laayey oo tiiraanyaysan. Kolkaasuu gabaygan ku dhuftay oo tiriyey.

Haddaan ooyo dumarkaan arkoo wax uma aabayso
Haddaan aamusnaadana qalbigu, ii askummi maayo
Haddaan igadhyo maalana anfaco, ku il samaan maayo
Haddaan ilaxidh seexdana hurdada, aad u ladi maayo.

Inta badan alleylkoo badh tegey alalad bay dhaafsha
Haddan Eegi dheer fuulo aan, ololo oon reemo
Oon uubateeyana raggii, iigu iman maayo.
Agab ba’ay aleeladaan jid marin, agabar jaan guura
Haddaan timaha oogtaa ka dhigo, adari boodh seexdo

Ardaal nacas ah naaguhuba, wayska ogolaadaane
Ina adhi jireed iyo mid aan, habartii awr loogin
Aakhiro ragii tagay haddaan, Eebe ka aqoodo
Haddii uun la dayn Nabiyadii, lama idleeyeene
Saw waxaan ilaawaba mid xumi, ima ogeysiiyo

_____________________

Waxa ku deeqay: Fuaad Cumar


fiiro gaara, fadlan hubiya taariikhda gabyaaga, gabayadan mid ka mida waxaan ka helay doolo.com oo ku qortay inuu raage ugaas tiriyay balse waa awawgay ina jadeer isla markaana gabaygiisu ma lumi karo inkastoo aan iloobi karro tuducyada iyo dhamaystirkaba.
markaa baadha webkaa iyo kuwa kale waxa jirta in gabayo caan ah oo la yaqaan rag kale loo xambaariyo. isla markaa waxaan idiin soo raaciyey mansabkii uu u tiriyay iyo asbaabihii taariikheedba. waanan idiin soo diri doonaa kuwo kale oo badan oon ka dalbay dalkii.
waa gabayga ardaal nacasa ee lagu hoos qoray raage ugaas.

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com