Q O R A A L

Arday& Macallin

Ninkagaa atorka

Ardaal Nacasa

Ruuxa kaa jari

Magacaygu waa

Hanfiyoow

Nin i luray

 Ina Jadeer & Xirsi Boqon

   

Somali Poetry


Xirsi Boqon iyo ina Liibaan Jadeer waxay noolaayeen badhtamihii qarnigii 19aad. Labada abwaan waxay leeyihiin silsilad gabayo ay is weydaarsadeen maraaxiil kala duwan. Xirsi & Muxumud Liibaan Jadeer noloshooda miyiga waxa u dheerayd inay ahaayeen rag aan magaalada ka madhnayn, Xirsi Boqon oo Berbera oo geyigaba u bender ahayd joogaya ayaa loo sheegay inuu Ina Jadeer magaalada imanayo. Xirsi oo tijaabinaya afmaalnimada iyo xigmadda Eebbe ugu deeqay Muxumud Liibaan ayaa yidhi markuu yimaaddo Ina jadeer ee isa soo taago ayaan u gabyayaa. Xirsi wuxu sii saadaaliyey in markuu gabyo haddii uu ina Jadeer yidhaahdo waan fadhiisanayaa oo aanu gabayga ka jawaabin markiiba inuu ka badin doono isagu;
Waxa gabaygii Xirsi ugu gooddiyayey Ina Jadeer ka mid ahaa;

Wiyil lama ragaadshoo naftaa lagala rooraaye
Aar lama rogaanrogo hadduu raari jiifsado'e
Maroodiga ninkii riix yidhaa waanu ridihayne
Badda uurka iga reemi baa ruuxa kaa jari'e


Muxumud Liibaan jadeer isla markiiba isagoon dhannaba eegin ayuu ka jawaabay gabaygii.
Gabaygaa jawaabta ah oo aannaan hayn waxa ka mid ahaa;

Wiyil lama ragaadshoo naftaa lagala rooraada
Hadaanaan rakadin mayadaa raxanka noo keentay
Aar lama rogaanrogo haduu raari jiifsadayda
Rabbi nama cadaabee warmaha raabax kaga yeelnay
Badda uurka iga reemi baa ruuxa kaa jarida
Sow waxaa....................... raaf ka marin maaha

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com