Q O R A A L

Arday& Macallin

Ninkagaa atorka

Ardaal Nacasa

Ruuxa kaa jari

Magacaygu waa

Hanfiyoow

Nin i luray

 Ina Jadeer & Xirsi Boqon

   

Somali Poetry


Xirsi Boqon oo ahaa gabyaa weyn oo noolaa muddo qarni iyo badh haatan laga joogo waxay erayo is weydaarsadeen Ina Jadeer iyo Raage Ugaas oo waagaas galbeedka Somalida maansadoodu caan ka ahayd.
Xirsi Boqon oo aan curinta maansada lagu aqoon ayaa isagoo maansa-boolyaya waxa la hadashay Hawwenay aanan hubin inay u dhaxday isaga iyo inay dumaashidii ahayd. Haweentii waxay kursi malaha kula kaftantay in maansada Raage Ugaas iyo rag uu ku jiro loo ogaa isna uu ku dayanayo (Ma hubo sheekadu inay sidaa u dhacday). Xirsi waxa uu yidhi isagoo gabyaya. 

Ninkii Raage oday buu noqdoo laga itaal roone
Ardaydaan ka tegeybuu ahaa Alif-bilawgiiye
Albaqraba ma gaadhine hadduu dhigan Idaaja'e
Halka Ina Jadeer ka onkadaa awrta loo rari'e
Aan ardaayo wada oodanee waa inoo idhanka


Ina Jadeer oon jeclaysan gabayga Xirsi Boqon iyo ammaanta uu ku sheegay ayaa marshey tix aan ka xasuusanno;

Aduunyadan inkaarta iyo isha iyo aakhir saban joogta
Ee aqalba aqalkuu u xiggay ka ololaynaayo
ee ubax cadkeedii lumay ee obalasku u muuqdo
Ninka Awr u soo raranayaa mid an ogayn weeyi



 

M A Q A L

  More

  More

  More

 

 

 

Copyright ©2002, Hoygasuugaanta.com