Written(Qoraal)

  Dagaalkii HAYE

  Xamil Waranka

  Dammiin

  Dhalanteed

  Q u r j i i l e

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Xamil waranka

  Dhirbaaxadii Haye

  CaqliXumo

  Dammiin

  Mahad Celis

  Is Moog

  Hoga-tusaale

  G a n t a a l

  Q u r j i i l e

  Saadanbad garan

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamud Saleebaan Xirsi

 

 
 

  Habar Jeclo - Solamadow

  Dammiin

 
Gabaygani wuxuu Maxamuud Saleebaan (Alla ha u naxariistee) u tirshey nin Qurjiile ah oo gabay ku sheegtay inuu dhacay geelii awoowgiis hooyo oo Rooble Xaaji Saleebaan la odhan jirey una dhashay Reer Yuusuf (Reer Daahir).

Waagii abaartii Dabadheer dhacday 1975kii ayaa ninka gabayga tirshey oo Suusle la yidhaahdo ay tolkiis oo caydhoobay isagoo xanuusanaya meel cidla ah kaga guureen. Ninkaas oo ay dhashay gabadh Reer Yuusuf ahi ayaa awoowgiis hooyo ka naxay oo intuu soo qaaday dhigay kuna daweeyey cusbitaalka TB-da Burco ku yaal. Ninkaas oo cudurka Qaaxadu ku dhacday oo tolkiis cidla uga guuray in waraabuhu feento ayaa markii awoowgiis asxaankaas waalidnimo u falay duco u miisay odaygii hooyadiis dhalay ee Rooble.

Rooble intaas kagama hadhine markuu bogsaday ninkaasi ayuu dal-ku-gal (Visa) iyo tigidh isu dul saaray oo Sucuudiga u dhoofshey. Bini'aadamku waa illoowshiinyo dhaw yahaye ninkaasi 1983-kii ayuu gabay tiriyey uu lee yahay geelii Awoowgey Rooble Xaaji Saleebaan baannu dhacnay haddaannu Qurjiile nahay. Kaaga daranta markii uu gabaygii tirshey ayay beenoowday in geelii awoowgii la dhacay.

Gabaygani wuxuu ka soo sheekaynayaa taariikhdii uu Rooble la soo maray ninka gabayga soo tirshey iyo abaal-xumada iyo waalid inkaarnimadiisaba. Waxa gabayga dhextaal u ah.


Dabadheer abaartii markay dulugle kuu saartay
Daruuraha cirkiyo maalintuu roobku di'i waayey
Ee doogta feedhaha qufaca lagugu daaduunshey
Kolku Rooble daaraha togdheer kugu dabiibaayey
Ee aad ILaahow ku daa, ugu ducaynaysey
War bal daya dammiinkii wuxuu uga danbeysiiyey

Gabayga qoraal ahaan uma dhamma balse isagoo maqal ah dhanka bidix ka dhegadhegee!
 

Da'da maanso dooddiyo murtida layma duur-xulo'e
Sidii doogsineed baa naxwuhu iigu soo degaye
Diirkaan ka qaadaa ninkii dedeyba yeelkiise
Dawdhaafna waa iga mamnuuc daain abidkaye
Halka hadalka lala doonayaan dulucda sheegaaye

Af Daddoowriyo gabaygi waa kaa dabayshadaye
Darxumada waxaa kuugu wacan waa dawo la'aane
Doqonniimadaaday dheguhu maqal u diideene
Abwaan dooxmay wuxu eegan jirey meel daleesha'ahe
Halkaasuu dekenadiisa maqan kaga dibaaqaaye
Dabbaal-baradki aan sheegaybaan muranka deyneyne

Dunidoo dhan waa laga og yahay daannadii guga'e
Dadku maqal siduu kuu derderay danane maadhiine
Duruuftaa ku keentiyo waqtiga, doobi buuxsamaye
Manay daalin nimankii warmaha kuu diyaarsadaye
Aniguna dalluunbaan intaa kaaga digayaaye

Adigoo dubbihi lagula dhacay dakharki kaa muuqdo
Diin-garaaradii adiga oo socodka diidaaya
Adigoo Docmiyo, Xagar-burburis jiif u dayan waaye
Adigoo dullaaladii fardaha daayey hadalkooda
Adigoo dibnaha jaynafkii darayo kaa fuushay
Adigoo lagaa soo deldelay dabaqa laallaada
Adigoo waxaad dalabsateen lagu dacaamsiiyey
Adigoo warkii ina dafliyo diradirii eeday
Adigoo raggaagii la diley duugan kari waaye
Inaad gabayo noo soo dirtaa waa daciifnimo'e

Damiir niman lahayn baa afxumo loogu dawgalaye
Haddii aan caqligu kaa dibjirin waxan ma duubteene
Badow daramal qaatiyo warkii wax isma doorshaane
Hadduu adiga Dahab kuu ahaa niniyo dookhiise
Hayeeshee horaan kuu danniyey daac inaa tahaye
Dullinimo inay kuu dhan tahay waxa daliilkii ah
Geelii hawaar lagu dadbiyo maragga loo dooray
Ee Damal-Casuur iyo ku dhalay, idhanka Daahyaale
Ee aan dohdaa weli ka tegin digarog mooyaane
Maantana halkay uga durkeen nabad ku daaqaaya
Dir waxaw lahaa hooyadii, Daacadkii dhalaye
Hadduuse wiilku waan soo dadbaday dad ugu faanaayo
Wax bal daya damaaciga awoow lagu durraynaayo

Dabadheer abaartii markay dulugle kuu saartay
Daruuraha cirkiyo maalintuu roobku di'i waayey
Ee doogta feedhaha qufaca lagugu daaduunshey
Kolku Rooble daaraha togdheer kugu dabiibaayey
Ee aad ILaahow ku daa, ugu ducaynaysey
War bal daya dammiinkii wuxuu uga danbeysiiyey

Diiftiyo xanuunkii markaad shalay ka soo daahday
Ee ay da'daadii dhammaan debed u soo dhooftay
Markuu Tigidhka kaa soo debberay deynna kaa bixiyey
Goortaad Riyaad yara degtaye Doolar lagu siiyey
War bal daya dammiinkii wuxuu uga danbeysiiyey

...
Afartaa wax laykuma daree gebidhac maw diidey
Ma dillaacshey beydgaabku waa kala dillaalaaye
Dubaax iyo nadiif maw akhriyey dhoohanaa dila'e
Dayax nuuray iyo maw eg yahay dirir hillaaciisa
Dacwad kalena waatane ninkii doonayey u sheega

 



 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com