Written(Qoraal)

  Dagaalkii HAYE

  Xamil Waranka

  Dammiin

  Dhalanteed

  Q u r j i i l e

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Xamil waranka

  Dhirbaaxadii Haye

  CaqliXumo

  Dammiin

  Mahad Celis

  Is Moog

  Hoga-tusaale

  G a n t a a l

  Q u r j i i l e

  Saadanbad garan

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamud Saleebaan Xirsi

 

 
 

  Habar Jeclo - Solamadow

  Guul

   

Gabaygan wuxu ka mid ah maansooyinkii laga mariyey dharbaaxooyinkii Qurjiilaha, Daarood iyo Faqash oo dhanba ka gaadhay "Haye-yaasha". Waxa "Haye" isku haleelay siddeetameeyo wiil oo HJ ah oo tuuladaas joogay iyo nimanka Qurjiile ama Dhulmahante la yidhaahdo oo uu soo abaabulay daaquudkii weynaa ee Afweyne iyo wiilkii seeddigii ahaa ee Ina Dafle. Waxa Dhulmahantada ka horreeyey oo taageerayey Gaas dhan oo ciidamadii qaranka ah iyo Jabhaddii Shiish-Wanaag oo ay rasaasta damceen inay isaga dhigaan.

Dagaalkaas qorshaysnaa wuxuu daba socday colaad dhex martay labada reer waxana Dhulmahante lagu soo raray hub aanay weligood arkin qaarkiis taasaana keentay inay hubkii oo aan xabbad laga ridin ay intooda badani ka cararaan waana maalintaas markay baxday kelmedda "Axmedoow Dhici waa" ka dib markii ay badawdii la soo rartay garan waayeen isticmaalkii hubkaa. Colaadaas iyo kuwii la waqtiga ahaaba waa kuwa ay ku riiqdeen Dhulmahantaha reer oodeed oo intaan dagaalkii weynaa ee 1988-kii dhicin iyagu is dhiibay oo ammaan qaatay. Reer Cali Geri (Dhulmahante) oo keliya waxa nin afkiisa iiga qirtay inay maalintaas ka dhinteen rag boqol ku dhow halka jilibbada kale ee dhulmahante ee dagaalka ku jirey iyo huwantii ay wateenba meydkoodu tiro beelay.

Ragga Afweyne eersaday ee isku ciil-kaambiyey colaadaas uu daaquudku u sahamiyey waxa ka mid ahaa Maaweel nin la yidhaahdo oo nimanka la karbaashay ka soo jeeda gabayna ku yidhi (isagoo Afweyne la hadlaya):

Dayac waxan ku kowsaday markaan kuu dabbaaldegaye
Durbaankiinni waa eednay iyo daba-galkiiniiye
Diihaal Allaa baday nimaa daawo dhigataane

 
Waxa qosol leh in ayagoo sida ninkaasiba sheegay qiranaya in boqollaal wiil saanad la leefsiiyey, inay qaar ka mid ah Qurjiilayaashu ku faanaan inay Haye ku libaysteen. Wuxu Maxamuud gabaygiisa ku bilaabay

 

 

Nimanyohow gabaabsiga adduun, gelinba waa cayne
Gabbal-daye sidiisay wejiga, kuu gudgudubtaaye
Oo waa xidid gun dheeriyo, bad aan laga geyoonayne

Waa geli habaasliyo, dugsiga aad ku gama'daaye
Oo waa godan abaariyo, nimcada guriga kuu taalle
Iga gura geddaan ku arkay waan, idin garwaaqsiine

Adduunyadan gariirtaye jidkii, laga gawaan raacshey
Adduunyadan ninkii gocasho qabay, gole ka faanaayo
Adduunyadan ninkii ciil guntaday, libin ku geeraaray

Adduunyadan ninkeedii gardaran, lagu gargaaraayo
Adduunyadan ninkii godobta qabay, garab la siinaayo
Ee laga gabbaanaday kuwii, gudan lahaa aarka
Gu' ma jirin ninkii taa waqtigan, godol ka eegaaye


Gaaraabidhaanliyo Xalxalis, godammadii Eegi
Garanuugle, geedkii Yamays, Qararro geesteeda
Gadhsanduuqle, aydii Gabree, Goodir miranaysey

Goosaale iyo Tuurwareen, gudubka Heegaale
Gammuunnaale, Gaxadhkii Marqaan, gurigi reer Jaamac
Garloogubey, Gallaaddi iyo Bookh, taniyo Gaaroodi

Iyadoon degmadu kala go'nayn, guguna hooraayo
Oo xeerka lagu giijiyey, oo aqalku gawdiido
Oo guunyadii wada dhashoo, gorofka loo qaaday

Garaad ma leh illeen Tawraddaad, gacalka mooddeene
Gurboodkii Siyaad maalintuu, gulufka soo saaray
Ee Gaasku nagu soo baxaye, weerar nagu gaadhay

Galaayuuska qaylada markii, la isku gooraamay
Gef ma yeelno ceebtana illeen, waa ka gubannaaye
U gadoodnay sidii Aar Garduur, loogu soo galaye

U galgalannay geeshkii Burma, iyo gedihi Baarliine
U gumaadnay weligey sidaan, kuu gumayn jiraye
Ugu gabaynay hawl yari, dhib waa galabsanaayeene

Sidii geel dibjirey oo Libaax, guudka kaga boodey
Markii aannu kala goosannaye, gobolba meel aaday
Gaashaanlayaashii markii, gawda laga saaray

Gaadiid markii laga furtaye, guuldarradu raacday
Gardarrada qayaxan reer tolkaa, kama gaboobaane
Iyagoo Giriinoff sitiyo, qoriga gaagaaban

Waatuu gadaal nagaga yimi, duulki reer Gobore
Annana meel haddii laysku galo, guusha nala siiye
Oo goolkaannu kaga laadanaa, gulucda koonaaye

Ku garaacnay maadhiin gigliyo, gumuc rasaaseede
Gacan sooma taagine baqay, gabax ka siiyeene
Gahaydhliyo waxaa loo eryadey, Goda dushoodiiye

Habqankiinnu waatuu ku galay, orodka Goofweyne
Gawarkii badhaa laba Hayuu, gudurki yaallaaye
Oo waa gabannadiinnii kuwuu, gigay waraabuuye
Guurti iyo waxay kaa dileen, gabadh-cas wiilkiiye

Cabdillaahi Golos baan halkaa, kaaga gawracaye
Gacmayare dhashiisii iyana, haadku gabasleeye
Goonyaha waxaa kaga qallalay, geesh kaloo badane
Nimankii gantada dheer lahaa, laga gol roonaaye

Afartaa daruur gaaxattiyo galalacdeedii dheh
Onkod galaba, Jibin goohday iyo garasho waayeel dheh
Gurxankii Salaan iyo naxwii Guniyo-Baareeg dheh

Gundhiddin
(1) iyo Cali Jaamac(2) iyo giinki reer Fadal(3) dheh
Gahayr
(4) iyo sidii Yawle(5), iyo gabaygi Laanjeer(6) dheh
Googgaartankii Daallin
(7), iyo gedihi Baabuur(8) dheh

Gammuutiyo
(9), Buraaliyo(10) Xalleef(11), amase Gaagaale(12)
Gantaalaha kuwii Baashe Weled
(13), oon la gaasirin dheh
Sidii geesigii Faarax Nuur
(14) waw gelbinayaaye

Markuu gaalku naga dhoofayee, Yurub u guuraayey
Ee aan gumeysiga ku nidhi duubo gogoshaada
Kolki calankan guudkeenna sudhan golaha loo xaadhay

Gundhigeeda Garab-saar-dabtii hanad
(15) ku geeraaray
Ee buugga saani u galaan gaar u leeyahaye
An gorfeeyo wiilyohow hidduhu guuri kari waaye

Markii laydin gooyaye dibnaha gawska lagu ruugay
Guntashadi labaad waxad is tidhi waad abaal gudanne
Galaydh iyo gurkii ciidamada guluf daraawiisha

Giddigiiba Daarood markii laysu wada geeyey
Gudmo iyo tumaalaha markii gamaska loo dhiibay
Ee ay gaadhka tiradiisa guud gololo kuu sheegtay

Gudguduudka waaberi markaad guratay baaruudda
Lixdii guuto eed nagu gasheen gaadmo iyo weerar
Ma gabbado halkuu reer isaaq gaban ka joogaaye

Ma siddeetan wiil baa guboo gaardi ku ciyaaray
Ma marki wisiisigu galaad godadki hayn weydey
Warankaa ku guulaye si kale ugama guurteene

Imikaa siyaad gucanayaa geeshu soo diraye
Gedo bahal ka soo haajiriyo Gaanni kuu taliye
Garbahaarrey iyo caynabaadan garan mid kuu dhow'e
Wax ka guro dhibkaad galabsataa gaadhay reeraha'e

Gobki Qararro goobtii ahayd, Galawgi fooryaayey
Galley iyo Bariis, maal wixii gurada kuu yiilley
Gidhligaan, Garnayl iyo Madfaca gaadhi lagu jiido

Berkedii biyaha laga guraye Gaasta lagu kaydshey
Ku guddooney maantaa halkaa gumaradiinniiye
Gam ka siinnay guulwade kibriyo gucufle Daaroode
Wax ka guro dilkaad galabsataa gaadhay reeraha'e

Waataa dhulmahantoow gasheen gaadda ka cayaare
Haddii deriski garabkiinna yiil taniyo goor dheerba
Guubaabadii ina Dafliyo kibir idiin geeyey
Geeridu inay iman miyaan cidi ka gaashaaman

Waa maxay galiilyada jidhkiyo gibil madoobaadku
Oo waa maxay col baad soo gurtee dibu garmaamayntu
Waa maxay ilmada gobo'le iyo go'ayda noo yeedhaye
Garaad daranidee sow wax badan dirir ma goobeynin

(1) Mire Gundhiddin - Abwaan ay isu gabyi jireen Gammuute, Aadan Carab iyo Ina Gaballaax
(2)  Cali Jaamac Haabiil - Waa abwaankii Ina Cabdulle Xasan sirtiisa banaanka keenay ee dadka dareensiiyey - wuxuu noolaa badhtamihii qarnigii 19 aad illaa horraantii qarnigii 20 aad
(3)  Reer Fadal - Cabdi Fadal, Max'd N Fadal, Max'ud Cali Fadal iyo rag kale oo badan oo abwaanno ah baa ka kacay
(4)  Cabdi Warsame (Cabdi Gahayr) - Abwaan geyiga Soomaaliyeed oo dhan ka caan ah
(5)  Max'd Aadan Caws "Yawle" (Reer Cawl, HY) - Abwaan geyiga Somaliyed oo dhan gabayadiisu ka caan yihiin oo noolaa horraantii illaa badhtamihii qarnigii 20 aad.
(6)  Faarax Laanjeer waa abwaan looga danbayn jirey suugaanta Geela (1920 - 1972)
(7)  Maxamuud Jaamac "Daallin" - Abwaan geesi ah oo noolaa (1864 - 1990)
(8)  Baabuur - Gabyaa HJ ahaa oo aannaan magaciisa buuxa helin
(9)  Maxamed C Cali "Gammuute" wuxuu noolaa dabayaaqadii qarnigii 19 aad illaa badhtamihii qarniga 20 aad.
(10) Buraale Baarjeex - Gabyaa taariikh weyn leh oo noolaa qarnigii Badhtamihii 19 aad (Muddo haatan 150 sano laga joogo)
(11)  Xalleef - Gabyaa Axmed Faarax, HJ ahaa oo magaciis buuxa nama soo gaadhin hayeeshee Xalleef caan ku noqday.
(12) Nuux Gaagaale (IHUN) - Waa abwaankii lahaa "Nafta waxaad u yaabtaa markaad naago baridaaye"
(13)  Baashe Weled Baas (Solamadow, HJ) waa nin ay abwaanka walaalo ahaayeen - Ilma Weledbaas waa niman dhawr ah oo suugaanta Caymeed looga danbayn jirey.
(14)  Faarax Nuur - Abwaan geesi ahaa oo noolaa badhtamihii qarnigii 19 aad illaa horraantii qarnigii 20 aad. Faarax wuxuu ka mid yahay ragga Somaali ugu gabay iyo taariikhba badnaa.
(15) Wuxuu u jeedaa Suldaankii Soomaalida ee  Cabdillaahi Suldaan Timacadde

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com