Written(Qoraal)

  Dagaalkii HAYE

  Xamil Waranka

  Dammiin

  Dhalanteed

  Q u r j i i l e

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Xamil waranka

  Dhirbaaxadii Haye

  CaqliXumo

  Dammiin

  Mahad Celis

  Is Moog

  Hoga-tusaale

  G a n t a a l

  Q u r j i i l e

  Saadanbad garan

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamud Saleebaan Xirsi

 

 
 

  Habar Jeclo - Solamadow

  Dhalanteed

 
Gabaygan wuxu Abwaanku ka tirshey colaadihii dhex maray HJ iyo Qurjiilaha oo ay taageerayeen Gaasas Ciidanka Qaranka ah oo Aabbahoodii labaad ee Afweyne ugu deeqay. Gabaygan oo uu abwaanku tirshey 1982-kii wuxu dhaboobay 1991 markii ay dhacday wixii uu saadaalinayay markuu lahaa

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Hadhoowbaa dhibiilaha tashigu dhiiqo kaa geliye
Hadhoowbaan dharreecida malkhabad dhoorka kuu sudhiye
Hadhoow baad abtoow iga dhin iyo dhihi warkaagiiye
Nabad nagu dhaqaay iyo la iman odayo dhaadheere

Gabaygaas wuxu abwaanku ku bilaabay sidan;

Dhawaanahanba waataanan tirin dhaantadii gabaye
Ma dhudhuminin maansooyinkii dhumucda weynaaye
Ma dhaafine waxaan damacsanaa inan war dhuugaaye
Marse haddii dadkii dhoohanaa dhedadu ii keentay
Ma dhursugo'e waa inan naxwaha ugu dhaqaaqaaye

Dhalanteedku waa waxa caruur baday dhan eegaade
Ku dhanqalante meel milicahoon dhiri ku oollayne
Dhufaan rarey ah waa lagu yaqaan dheeha roorsiga'e
Isba kuruska dhaabmaa hodiyo dhibida bawdyaaye

Hadba qaalimmada waw dhunshaa dhuurta doogga lehe
Dhudhubaha gahaydha leh wuxuu dhiriqda saydhaaba
Dhurwaa ba'an haddii lagu sallido dhimasho qoodeeye
Ma dheereeyo goortay durduro dhagac ka siiyaane
Kolka uu halbawlaha dhuftee dhuumatada gooyo
Dhuunyeedhis mooyee ka samir tamaro sii dheere
Halkaasaa waraabuu dhigaa kaga dhammeeyaaye

Adiguna dhiggiisaad tahay, iyo Dhoodi oo kale'e
Weligiin dhulmahantoow afxumo dhaha ma deysaane
Dhengadaana waa u cabbantiin sida dhabeeleede
Mar ka ay belaayadu dhacdee talo dhanaanaato
Hadhowbaa shimbiro dheelayaa dhiillo kuu noqone

Hadhowbaad Dhilaalliyo ka qaxi goobki dhererraaye
Dhurdihii Marqaan iyo hadhoowbaad Dhacar ku noolaane
Hadhoowbaad abtoow iga dhin iyo dhihi warkaagiiye
Nabad nagu dhaqaay iyo la iman odayo dhaadheere

Hadhoowbaa dhibiilaha tashigu dhiiqo kaa geliye
Hadhoowbaa raggii dhereggu hodey dhoobbi ii noqonne
Hadhoowbaad ratiga dheeliyiyo dhaanka ii raraiye
Hadhoowbaad kabaa ii dhabdhabi dheguhu hoolmeene

Hadhoowbaad dhufaysyada burciyo weelka ii dhiqiye
Hadhoowbaad riyaha iigu dhigi dhoofka waxareede
Hadhoowbaad dhamiijada ka guri naylihii Dharo'e
Hadhoowbaan xammaal kaaga dhigan taagan dhoobada'e
Hadhoowbaan dharreecida malkhabad dhoorka kuu sudhiye
Hadhoowbey dharbaaxada ilmadu dhaax ku gobo'layne

Afartaa dhammeeyee waxaan hore u sii dhaafshey

Maandhoow dhul lama maagi karo dhagaxyo jiifaane
Maandhoow dab lama sii dhex galo dhuxulo waaweyne
Maandhoow tog lama dhaafi karo daad ku soo dhacaye
Maandhoow libaax looma dhaxo meesha dhawrta lehe
Maandhoow Yaxaas laguma dhego miciya dhaadheere
Maandhoow Abeesada dharqada looma dheelmado'e
Maandhow dhayali looma maro dhuunta miinada'e
Oo maandhoow maroodiga dhabta ah looma fool dhigo'e

Dhasha reer Isaaq waad taqaan dhiirri iyo xooge
Weligeed gob loo dhaartay waa dhega adaygtaaye
Hadday dhirifto waa lagu og yahay dhac iyo duullaane

Jabhadaa la dhuray iyo sengaha dhabarku weynaaday
Dhallinyarada loo tababaree sidata dhawr qaadka
Hubka dhacaya Taangiga sidii dhibicda loo keenay
Ninkii dhimanayiyo waxan ogeyn dhaaftidii madhane
Bal an dhawro maalmahan danbay dhibi ku haysaaye

 



 

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com