Written(Qoraal)

  Dagaalkii HAYE

  Xamil Waranka

  Dammiin

  Dhalanteed

  Q u r j i i l e

  More

  More

 
     
 
Audio (Maqal)

  Xamil waranka

  Dhirbaaxadii Haye

  CaqliXumo

  Dammiin

  Mahad Celis

  Is Moog

  Hoga-tusaale

  G a n t a a l

  Q u r j i i l e

  Saadanbad garan

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Maxamud Saleebaan Xirsi

 

 
 

  Habar Jeclo - Solamadow

  Qurjiile

 
Gabaygani wuxu ka mid yahay gabayadii laga tiriyey dagaalkii Qurjiiluhu damacsanaa inay ku soo ceshadaan Geyiga Cayn iyo Nugaal Godan oo hore looga maroorsaday. Gabaygani wuxu abwaanku wax ugu sheegayey nin Qurjiile ah oo gabay aanu aqoon ab iyo isir-toonna u lahayn isla soo qalluufay oo damcay inuu abwaanka canjilo.

Qorshe gabay Salaan baa yiqiin amase qaynuune
Isagaba horaa loogu qiray loona qumi waaye
Murti qaro leh hadal qaaliyiyo qodob markay joogto

Oo waatii iyana loo qarridhay qoyski reer fadal
Qamaan iyo Calaa ugu dhowaa wiil u qoor lula'e
Iyana inay qulub kala tageen buugaggaa qoraye

Qarnigii danbena waxa ku jira quburo waaweyne
Oo Qays iyo Hadraawaa dhaxladay qaafki maansada'e
hayeeshee waxay qaabilaan qodadka roonroone
Anigana waxay ii qorteen qiil yaraa kacaye
Bal ka qaybgal waatanoo illeen tuhun ku soo qaadye

Qalinduurre reeraa ku qalad qaari baan ahaye
Isba Quluwallii uu bartuu kaga qadhaabtaaye
Markuu Macallin qaadiya arkiyo weli quraan ruuga
Isaguba inu gelin ka qaxo kuma qalloocnayne

Ninna hadduu sidaada isu qabo geesi hanaqaaday
Hanjabaadda qaarkeedna waa la qummanaataaye
Mar hadduu quruumaha afxumo qalada gaadhsiiyo

Asuu wiil qalqaalliyi helo oo saaro laba qaare
Qudha inuu difaaciyo inuu qubo wuxuu haystey
Marka waranka lala soo qabtuu yahay qiraalkiiye

Fulena qaybta hore waa yaqaan kor isu qaadqaade
Kolba qolo shiraysuu warmaa kula qamaamaaye
Goortuu qardoofada arkiyo belo inay qiiqday
Qarjaf yidhi baqaha waa nimaan talo qaroomayne

Adna qaabadaa inada tahan qaarta ku hayaay
U quturatay Aar qawdhamoo qaday habeenkiiye
Markaad qawlalkiisii gashaad garatay qoomaaye
Isma soo qalluufteen haddaan qaamudkaa geline

 

 
Abwaanka gabay ma ka haysaa? Halkan noogu soo tebi
Name:
Email Address:
Magaca Abwaanka
Halkan ku qor gabayga

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com