Seed Cawed (1835 -1915)

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Taariikh   |
 
   
S a l u u g
Seed iyo Salaan
Seed &G.Baareeg
 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Seed Cawed vs Guniyobaareeg

 
Seed Cawad, Ilaahay ha u naxariistee, wuxuu ahaa Abwaan ay aftahannimadiisa u dheertahay geesinnimo aan cidina ku higsan. Wuxuu la waqti ahaa KooreJaan, Ducaale Cilmi, Ina Sanweyne iyo  qammaamuur kale oo taariikhda Soomalida ku caan ah. Waxa la sheegaa in Seed Cawad weligii indhihiisa ilmo lagu arkay maalintuu dhimanayey isagoo sakaraadaya. Markii la weydiiyey in xanafta sakaraatul-mawdku ka ilmaysiisay ayuu dadkii ugu jawaabay inuu ka ooyey in sida HJ nin dilaa ahi aanu isaga ka danbayn. Ilaahay ha uga meel bixiyee ma ahayn nin gardarrada yaqaan laakiin wuxuu ahaa nin maalinta ay cadaw is mutaan hengelo dhiga oo khoof iyo argagax ku abuurta cadawgiisa, tudhaalahana aan aqoon.
 
Seed oo xijaabtay horraantii qarnigii labaatanaad ayaa ka gabyey xurguf soo kala dhexgashay laba jilib oo Reer Yuusuf oo kala ah Reer Xasan Yuusuf oo uu u dan lahaa iyo Reer Muuse Yuusuf oo uu Seed ka dhashay. Maadaama uu gaboobay oo aanu waran hidinayn, wuxu abwaanku kicinayaa niman ay isku raas yihiin oo uu lee yahay reer Xasan Yuusuf haddaan col la gelin dhulkaba waan ka dhuyaalayaa.
 
Toban-tobanka nimankii ahaa, soo tallaabsade'e
Teeriyo tiftaa guga haddaan dhawr nin laga toogan
Tolla ma lihi kooskiyo dhulkana waan ka tegayaaye
 
Abwaankii Dhulqas Aadan dibi (1895 - 1976) oo 11 jir ah isla markaana ahaa Reer Xasan yuusufka uu Seed lahaa ha la laayo, ayaa Seed Cawad oo aan filanayn u jawaabay isagoo odayga waayeelka ah ku lyidhi;
 
Kelyo ma leh nimay reer tolkiis, kibir colloobaane
Kamballada ma jiifsado, ninkii boqolle keenaaye
Kama' buu u go'ay Caamirkaad, nagu kabaysaaye
Kaymahaa bannaan idinla noqon, kaad u carartaane.
 

 

 

Copyright 2000 - 2004  HoygaSuugaanta.com