Dhalool waxa la biday reerkayaga dhiigga fuuqsada'e
Allahayoow Salaan dhiirranaa, dhaygag bay dilaye

 |   Home  |  Gabayo Maqal Abwaan  |  Halqabsi  |  Halxiraale  |  Sheekooyin  |  Siyaasad  |
 
Cankabuud
W a c d i
Luukaansi
Abaaldhac
Silsilad
Mine
G u b a
Gooshaash
Digniin
Fly duula
Godob
Wegen-xile
Colka Jooja
Reer Maxamed
Fircoon
Seben
Dekeeya
Khatumo
Sheedaad
B a a n e
Cawo Dhoble
D h o o b l e
Salaan & Seed
Salaan Carrabey iyo Seed Cawed (HJ)

Labadan abwaan waxay leeyihiin silsilad gabayo ah oo dhex martay oo aan na soo gaadhin balse ay nagaga soo duushay dhawr tuduc. Seed Cawed wuxu ahaa nin gabyaa ah isla markaana ahaa geesi ninkuu jalleecaa sakati iyo rucub ilaah ku rido. Waxa la sheegaa silsiladda dhex martay ka dib in rag Salaan ku eedeeyeen inuu Seed ka baqay taasoo uu Salaan Carrabey kaga jawaabay "Bal car aniga mooyee nin intaan idhi kula dhaca yeesha".

Gabayada munaasabadahooda ma hayno laakiin silsiladaha waxa ka mid ahaa gabayga uu Salaan Carrabey lahaa;
Seedoow qudh duushaa ka daran xaraf qalloocdaaye
Qoodhaleydu waysugu mudhaa qab iyo Maandhaafe


Iyo mid kaloo Salaan lahaa oo ay erayadiisa ka mid ahaayeen;
Hadduu kuu fayow yahay wadnuhu faro ha xaalayne.

Seed Cawad jawaabihiisii waxaan ka haynaa isagana laba gabay oo aan midba laba beyd ka hayno.

Gab baan kugu odhanlaa sidii aar geel u soo dhacaye
Gii-giida waxan diidayaa, guriga ii dhow'e


Waxa kaloo ka mid ahaa gabayga uu Seed Cawad isna lahaa;
Dhalool waxa la biday reerkayaga dhiigga fuuqsada'e
Allahayoow Salaan dhiirranaa, dhaygag bay dilaye
 
Copyright 2000 - 2003  HoygaSuugaanta.com