Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

  GODOB

 

Salaan oo ka qabey Axmed Garaad, DHulbahante ayaa isagoo Berbera jooga waxaa u yimi 50 Awr oo safar ah oo ka yimi xiddidkii. Awrtaas safarka waxay ku socotey Salaan Carrabey oo looga fadhiyey inuu soo shixnado. Salaan waxa uu ahaa nin Badmareen ah , ganacsadane ah laakiin wuxuu la yaabay 50 awr oowada socda oo hal nin iska daaye aan Dawladuhu rarin. Salaan wuxuu iibshey 50 awr, nimankii wadeyna inta uu sii jicsimay buu yidhi dib ugu laabta ooshii ay ka yimaaddeen isagiina wuxuu iska aadey Cadan. Nimankay xididka ahaayeen ariinkaas ma jeclaysan waxayna talo ku gaadheen in Salaan Carrabey loo dilo falka uu sameeyey. Berigii hore waxaa caado ahaan jirtey in haddii la dilo nin Inan-Layaal ah laga dhiibi jirey 160 Halaad oo mag ah. !00 Halaad waxaa lahaa tolkiis, 60 Halaadna reerka uu ka qabo. Shirqoolkaas waxaa lagu go'aansaday in ninkii Axmed Garaad ah ee arka Salaan uu dilo isla markaana Reer Dhooble (Salaan qoyskuu ka qabay) ay dhaafi doonaan 60 Halaad, 100 halaad ee magta ahana tolku qaybsado.


Salaan waa ka war helay ariinkaas oo markuu DIbadda ka soo laabtay wuxuu Ganacsi ka dhexfurtay Abtiyaalladii Bah-Ararsame. Muddo ka dib ayaa waxaa Salaan loo soo diray Maxamed DHooble oo seeddigii ahaa si uu u soo khiyaameyo. Salaan arrinkaas waa ku gartay seedigii wuxuuna geedkii shirka ee abtiyaaladii fadhiyeen ka tirshey tixdan gabayga ah. Waxaa loo sheegay Salaan in intii uu ka soo maqnaa ooridiisa uu soo doonay nin yidhi waxan ka dhiibayaa 50 halaad Salaanna gabaygiisa waa ku soo daray arrinkaas.
Wuxu yidhi Salaan Carrabey (Alla ha u naxariistee);


1.  Hadal waa gun iyo Maxamedoow gar iyo miisaane
2.  Gabayna waan aqaannoo ma jiro nin igu gaadhaaye
3.  Kambalkaan gamboolahay tashiga igu galloolaaday
     Guntigaan ku gaadhnahay hurdada gama' lay diidey

4.  Gooraanka leylkaan sidii galawga yeedhaayo
5.  Guubaabadaan tirinayiyo gocashaday haysa
6.  Galoof ololka iyo ciilku waa geydha lay badaye

7.  Xilku kuma gubee xaajadii kula gudboonaatay
8.  Mar haddaanay garankaaga jirin aniga goohaygu
9.   Inaan kaa isaga gaabsadaa go'aye roonayde
10. Caawana af lama gaaxiyee maqal guhaaddayda

11. Gelbis hadduu u kaco INANLAYAAL guushu wa quruxe
12. Geeraarna farasbuu qabtaa geenyo,,,,,, malehe
13. gaaddada Sitaac laga luliyo qoorxidh lagu gaadhay
14. Xakamaha guduudka leh Bustaha gucunku laalaado

15. Hadba neef i soo galay waxaan guudka kaga laalay
16. Waagaan fardaha geynayee gurayey kii xoog leh
      Geeleyga waagii aan sidii guluf u qaadaayey
17. lo'da waayadaan gadahayee adhiga goynaayey

18. Jiilaal gardaadsaday abaar gaajo idin hayso
19. Gaadiidka moodka leh waxaan kugu gargaaraayey
20. Waagaan xigaalkay ka go'ay gacaladaan haystey

21. gallad Eebbe weeye waxaan goondhi idin daajey
22. Kama galabsan inu reer tolkaa gado libtaydiiye
23. Geediga haddaan idin wacsaday gobiyo hawsheeda
24. (Gedda) hadaydin ula wada baxden guudcadiyo wiilba

25. Gunta markaa ka qabateen tashiga gedi ma sheelayne
26. Guulkii kal hore ways ogeyn guda faqiiniiye
27. Giddigiinba waa ti aad tashiga gees ka qabateene
28. maxaad ii gorgorin sow raggii ii guntaday miihid

29. afartaasi waa iga gujee gebidhac maw diidey
30. Googooynta iigu ma baxdee geedad ma u waabay
31. SIda galaha roob iyo baddoo guuxi ma u reemay
32. Gaban kalana waan odhanayaa geli calooshaada

33. inan gaadan karin naag kale go'e haddaad mooddey
34. kHaliqigu waa gayaan badanyahee waxan idiin gaatay
35. Ama guunyadaydii u huray geedadsare laace
36. mar haddaanay garawshiinyo xidid gumaradeed joogin

37. isma gaadno oo waxaynu nahay Gaalo iyo ruume
38. Waa Geeriday Ciid waxaan ugu geddoomaaye
39. Anoon gabadintiinii tegeyn gurigi reer Dhooble

40. Qoftaa gacal ahaydeen haddaad garato ii soo rar
41. haddii kale ha guursado ragii guga la sheegaayey
42. Dabadeedna guul waxay dhashiyo godobta aan dhawro

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com