Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

  DIGNIIN

  Gabaygan wuxu la socdey geeraarka dheer ee Sallan Carrabey ku kala hagoogtey Faarax Cabdulle(HJ) oo inta is maan-dhaafeeen damcay inay is cidhib jaraan. Gabaygan wuxu Salaan soo qaadanayaa beelo isku caw beelay oo ku cibro qaadasho mudan.

Gabayga wuxu Salaan (Rahimahu Laah) ku halqabsanayaa Baashe Shabeelle oo yidhi "Salaanoow maad nimankan wax kala tidhaahdid".


Baashoow dadaal gabay ma jiro nin igu doorshaaye
Kolbaan diririyaa sida cirkoo di'i kaliishiiye
Meeshay daruuro u tahaan dood ka dhaliyaaye
Dabuubtaan la yeedhana ragbaa doorsha abidkiiye
Waa daabac aan go'in midkaan dacal bilaabaaye
Hadba xarafka igu soo degaan demin wareerkiiye
Dux markaan ka garan waayey baan daayeyoo dhigaye
Xaluunbaan dikriyey sida wadaad Diin u haajiraye

Daad-xoorta iyo Mawjaddaan kala dabbaalaaye
Dacartaan qalbigu hayn karayn daartay feedhaha'e
Waa daafa-yare kii hore'e an idin deeqsiiyo
Dibna waxan u idhi maanso waa dux iyo hawraare
Dushaan kala faqaa niman haddaan war u daliilayne
Reer Faaraxaa kala durkaye kala duddeynaaya
Aan u digo Ducaale iyo Seed ha igu diideene

Dalaalkuu laqwiyey reer Shirdoon Dalabsigii eedye
Dareenkuu Warsame moodayiyo dihashadii waaye
Dab siduu qabsaday reerihii dagida loo laayey
Nin Door roone lumay iyo ooriyaa dulugle ooyaaya
Wax Ibraahin daalibahayaa col iyo duullaane
Bah-Gudabiirsi dannab baa ku dhacay digashadi Faafe
Reer Geeddigii debedda maray daadi amarkiiye
Sidii Ina Dagaal loo khatalay idinka diimoone
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Dunjiga Nuux Ismaaciil tashiga daaha laga saarye
Dalanboobigii Dhamal wixii damac la'aa raacye
Dagaal Reer Axmeda wiilashii Carabta diiqaayey
Xasan dabadi Reer Jaamacaa kala dabayl raacay
Shir la dedey dabbaaldeg iyo Naash dawashada geedka
Deelqaaf fagaaruu ibleys kugu dukhuulaaye
Dibno hadal ka yimi baa Cag-Geel loogu daw galaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Reer Sugulle dakhar wiilyar baw sidey daliishiiye
Waatii degmada laysu furay dabadi Looyaade
Denbi hadduu kasbaday Eebbeheen daayinaa jirae
Dullaamkii Qabriga hawga tudho dabaqi naareede
Dummaddii Xirsuu saaran yahay Dubur raggii yiile
Dawlaabadii boqor hadduu damacsanaa waaye
Dabar qaaday reer Diiriyii damaca waallaaye
Duudsuu ku dhacay ina Ammaan dib u heshiintiiye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Reer Cali-Geraysugu darraa dil iyo qoomaale
Durba waranka waysugu dhaqsaday dooxanaa madhane
Waa dawri buuhoodlahay dir u lahaayeene
Waayadanba dabataa fadhidey daallinoo colahe
Ku dibsade Daboolan iyo Caday danabbadii yiille
Dekenadii qabaalkana ninkii duriyey qoondeeye
Dabkuu Aadan shiday Ina Galaydh durugsigii eedye
Danbarkeeda dhaxal xaajaduu doortay Reer Gorode
Nin dardaarankii Cumar ogaa mudanihii daaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Ararsame dulmaa kala qabsaday dirirti Caymeede
Daaroodba maqal xaajadii daahirka ahayde
Dadku hadduu ka nixi reer Wacays dalaflihii raacye
Tuke lagama didin wiilashii wada daboollaaye
Ma duugine sidiibay lafihi debed u yaalliine
Ma degdego nin Dirirtii ogaa dooxadii Garab'e

Derisbaa ku dhacay reerihii dawladda ahaaye
Duunkeeda belo waa helaa nin u dedaalaaye
Goortuu cilmiga daahirshuu Fiqi duceeyaaye
Diintana wadaad kuma aflaxo xaqa ka doodaaye
Duunyadatan kama liidataan daaqi geedaha'e
Iyaba waa is doontaan hadday kala dibboodaane
Kulay Deeradiyo Cawsha tahay doqoni waa liide
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Dayax soo iftiimiyo qoftaad dahabka moodeysey
Wax Dallaayad laysugu mergedey darabki saarraye
Jeeroo dabriyo lays cuskaday dooyo iyo weerar
Cali Duullaneba diid xaajadaan dawga ku ahayne
Daaqiyatal-Mawdkii dhadhami uu durraansadaye
Daahdaaha waabberi colkii la is dabbaalsiiyey
BihiDarays ma deyn reer jibriil digasha-loolkiye
Ninna Faarax kama daawo gelin caynki loo dilaye
Dugaagbaa calfaday feedhihii daribta weynaaye
Nimanyohow tolnimo waa dugsiye dunida jeedaasha

Duska bari Dubeerin iyo Karin lagu dubaaqawye
Rag dalleensey Nuux Maxamedkii inagu deyraaye
Daaraha rogmadey Soolamadow dumarka ooyaaya
Dugayeeyda naagaha, hablaha debedda meeraaya
Sow kama diqootaan ilmada dibiqle guudkiinna

Haddaanse deyey dayaca reer Barre baw daran amuurtaasi
Col dareeray duukiyo lalabe dayr kastaba joogta
Dannadayska nimankii badnaa duraha jiilaalka
Dawriyaha reer Muusihii dad u itaal sheegtay
Daleelii Wareeg baa la dhigay duca-qabeenkiiye
Dalkii waxa qabsaday Reer Warsame dixida weynaaye
iminkay degmada soo fureen Daranti Tiigeede
Daleel kama fakado Geel hadduu dayra-dhaafsado'e
Ragbase mudanihiisaw derbiya da' iyo Gaashaane

Dudda reer adoo furay haddii degel la waaheelo
Duleedkaa mus laga joojiyaa dibadda dhawreede
Meeshii daleelaa libaax dagi ka eegtaaye
Magacna waa digoo dhalashadii loo demeli waaye
Anuunbaa dibbiro-ciil qaboo dudaya waa noole
Damqanmaayo reer Faaraxaan ducuminaayaaye
War yaan idin dardarin waano aan dunida aafeyne
Wax belaayo lagu diimiyaa duul u waajibaye
Colkan habar Jeclada loola dudi Daw kalaw furane
Alloow yaa caruurahan durdurin kala dillaameeya


Waxa Saxay Salaad Carab


 

 

 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com