Qoraal (Written)

  Cankabuud

  W a c d i

  Luukaansi

  Abaaldhac

  Silsilad

  Khatumo

  Sheedaad

  Seben

  Fircoon

  Mine

  G u b a

  Gooshaash

  Digniin

  Fly duula

  Godob

  Wegen-xile

  Colka Jooja

  Rer Maxamed

  Dekeeya

  B a a n e

  Cawo Dhoble

   D h o o b l e

  More

 
     
 
Maqal (Audio)

  M i n e

  M i n e

  Digniin

  Wacdi

  Cankabud

  Dahabo

  Luukaansi

  Abaaldhac

  S i l s i l a d

  Gooshaash

  B a a n e

  Dhooble

  Colka-Jooja

  Cawo Dhooble

  Godob

  Wegen Xile

  Haadaaqsi

  Qisadii Qarad

  More

 
     

 
 
  Voice over Internet Protocol, also called VoIP, IP Telephony, Internet telephony,Broadband telephony, Broadband Phone and Voice over Broadband is the routing of Voice conversations over the Internet or through any other IP-based network  
     
 

  Salaan Max'd M. Xirsi "S. Carrabey"

 

 
 

  Habar Jeclo

CAWO DHOOBLE


 

Gabaygani wuxu Salaan u tiriyey Afadiisii Cawo Dhooble oo sida gabayga ka muuqata ka abaalka dhacday wixii uu Salaan Mariin iyo musruufba hareereheeda dhigay isagoo xasuusinaya in markii abaaruhu dhaceen halka dumarka kale ay aradka iyo diiftu ka muuqatay ay iyadu dhex dabbaalanaysey wixii Salaan debbed uga soo waaridey. Murtida weyn ee aan gabayga ka faaideysanaynaa waxay tahay- in Aadanuhu illaa uu shayga baahidiisa arako aanu dareemayn maqnaanshiihisa. DIGNIIN- Ma dhama, Mana Saxna. Gabayga way igu adkaatay inaan ka qoro mullaaxdii ay ku duubnayd. Fadlan isku day inaad soo sax gabayga


Jiilaal barrahsaday abaar, loo baqtiyey gaajo
Bender niman lahayniyo markii, guni basiiroodey
Barnidiyo Bariiska hindiyaad balaxsanayseene
Lawsada  bidhaamiyo Asliga, buuxshey luquntaada

Dharkay Baaniyaaladu hayeen, boone iyo taajir
Dhaaxaan dartaa ugu burburay, saylad baayacahe
Maan boolyin kamana baaqsanine, waxan ka soo biirshey
Bawdooyinkaygaan ka jaray, burunjidii guude
Wax jidhkayga boogaha ka dhigay, baaldi iyo seefe
Bogsannamaayo jeeroon Cawooy, waayo baan helo'e

Bandiiradaha laysaga nashiray, badhihi Gaaroodi
Bahdii Inan-la-Yaallada dhextiil, beesha Hagar Aadan
Baal kaaga jaray naagahaad, beretamayseene.

Bilcawshaanta iyo Khaylidan, aad boqonta geyneyso
Bilaash looma helin xoolahaad, badawda deeqsiine
Hayeeshee badhaadhe ma xejiyaan, bilista Daaroode
Wixi kugu bataba jeer danbood, baahidood aragto
Inaad beriga hore quudhsataa, bili dad weeyaane
Dibna inadan ugu soo baxayn waa ballan Ilaahe.

 

   


 

Copyright ©2007 Hoygasuugaanta.com